BALIGUBADLE MEDIA
Culimadda Somaliland oo Ka Muquuratay Xeerka Kufsiga, Muuse Biixi oo Ku Adkaysanaya Iyo S/Land oo Markii Ugu Horaysa Raacday Dhabihii Lagu Halaagay Umaddihii Ka Horeeyay
September 19, 2018 - Written by admin

Culimadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka muquuratay ka hadalka xeerka sida aadka uga hor imanaya shareecadda diinta islaamka xeerkaas oo madaxwaynaha somaliland qalinka ku duugay halistiisana ay si adag uga qayliyeen dhinacyadda kala duwan ee bulshadda rayidka ah, axsaabta siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshaddu

topnews

balse waxa aan ilaa imika la hayn doorka culimadii somaliland oo sida ba’an uga hadli jirtay xeerka baananka ee ee ay ku sheegi jireen ribadda iyagoo difaacaya qaar kamida baananka iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka

balse culimadan ayaan ilaa hadda ka hadal arintan oo ah bilihii u dambeeyay qadiyadeedu ka taagnayd warbaahinta waxaana wali la baafinayaa culimo awdiinkii dalka oo iyagu afka ka qabsaday difaacida shareecadda islaamka

dhanka kale madaxwayne biixi ayaa ilaa hadda isagu ku adkaysanaya dhaqan galinta xeerkaas, waxaana somaliland markii ugu horaysay raacday dhabo ay kaga cadhaysiinayso raxmaanka islamarkaana ay ku raacayso wadooyin hore loogu halaagay umaddo hore arintaas oo aan ku koobnaanayn madaxwaynaha laaluushka ku qaatay burburinta diinta islaamka balse wada saamayn doonta mujtamaca hadii aan degdeg looga hortagin

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS