BALIGUBADLE MEDIA
Cabdi Ilay Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Lagu Dhex Jidh Dilay Xabsiga
September 14, 2018 - Written by admin

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo saaka mar kale la hor keenay Maxakamad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Wararka sheegaya In Jidh Dil loogu geysto Xabsiga Dhexdiisa.

cabdi illey

Cabdi Maxamuud Cumar oo uu qaadigii Kiiskiisa Qaadayay uu su’aalo toos ah waydiiyay ayaa wax aka mid ahayd ahayd su’aalaha la waydiiyay bal in ay jirto jidh dil loogu dhex geysto jeelka, waxaanu xusay in aanay waxba ka jirin, hasayeeshee ay jiraan niman ugu dhex Hanjaba Jeelka Dhexdiisa.

Dhinaca kale waxa ay codsadeen in Salliga Lagu Tukado iyo waliba salaadahooda wax laga qabto isla markaana loo ogolaado iyada oo la geynayo

meelo nadiif ah, halka geesta kalena ay ku cudur daarteen in cudurada Dhiig karka iyo macaanka ay oo ay Badhkood qabaan wax looga qabto cuntooyinka loo keenayo.

Waxa la xidhan Madaxweynihii hore ee saddex qof oo ka tirsanaan jiray xukuumadii uu hogaaminayay.

Isha Ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS