BALIGUBADLE MEDIA
Caare Haduu heli lahaa Mucaarad Abaabulan oo Codkiisu dheer yahay Cidlo Qori ulama bexeene Cadaalada uu Tabayo …W/Q Maxamed Abiib – Caare Haduu heli lahaa Mucaarad
September 7, 2018 - Written by admin

Caare Haduu heli lahaa Mucaarad Abaabulan oo Codkiisu dheer yahay Cidlo Qori ulama bexeene Cadaalada uu Tabayo wuxuu ku gaadhi lahaa Carradiisa iyo Carabkiisa!!

Maxaa yeelay mar hadaan qaadanay inaan kursiga ku kala helno Tartan furan iyo Xisbiyo badan marna ilama aha in qori wax looga baahan yahay.

Balse hadii la waayo Awoodi dhamaystiri lahayd hadba Xisbiga Xukuumada haya kana Faaidaysan lahaa qaladaadka ka dhalanaya Shaqada qaranka ee uu hayo isla markaana ka qaadi lahaa kursiga

hadii la waayo waxa imanaya waxa Caare la yimid maxaa yeelay hadii uu ka Ra’yi iyo aragti duwanaaday Xisbil xaakimkii iyo Masuuliyiintii kasoo jeeday waxay ahayd inuu helo Xisbi kale oo uu ku ladho Rajadiisa iyo doonistiisa Taaso keeni lahayd inuu Fisho rajo iyo yuhuun uu kaga baaqsan lahaa inuu qaado Talaabadaa uu qaaday.

Intiinii Xasuusata markii ay dhacday Doorashadii 2003 ee Udub kulmiye ka guulaystay waxa dhacday in qaar kamida kulmiye ay ka hanfafeen Awooda Xisbigii kulmiye deedna ay qaateen talaabo lamida tan Caare oo kale waana dhacadada uu qaybta ka ahaa Hogaamiye Xirsi way u shaqayn wayday oo waynu ogayn maxa yeelay Somaliland Qofka Qori Qaata ugu dambaynta Dadkeenu way ka horyimaadaan maxaa yelay waxay arkayaan in aan loo baahnayn Dagaal wax lagu saxo iyadoo la heli karaayo jid kale oo wax lagu Hagaajin karo.

Waxan uga socdaa Ragii uu Xirsi kamidka ahaa ee Rajo xumada iyo Niyad jabku ku kalifayay inay qori qaataan waxa dib u dajin Aragtiyeed u Sameeyay Hogaankii iyo masuuliyiintii Xisbiga Kumiye oo Bilaabay Talaabooyin iyo Kacdoon Dimuquraadiya oo Hor leh kaas oo waafaqsan Shuruucda Dalka Sameeyayna Aragti iyo Rajo Cusub oo lagu dardar galinayo sidii Xisbigu u xaqiijin lahaa gaadhida Guusha Doorashooyinka Dambe Tani waxay Qalbiga u dajisay kuwii kacsanaa ee Xisbiga ka midka ahaa ee lahaa #Dagaal #mooyee #Doorasho #waxba #ku #heli #mayno.

Laba kaclayntaa Cusub ee Kulmiye sameeyay waxay soo jiidatay qof kasta oo ka Aragti iyo Ra’yi duwanaa Habkii maamuul ee Xisbigii Udub sidoo kale wuxuu soo jiitay qofkasta oo kasoo tagay udub kana dhigtay Dhufays u qalma wixii ay doonayeen.

Deedna waxay sameeyeen dhaqaaq cusub oo Horleh kaas oo Dadkii ku riixay inuu qofkasti Dantiisa iyo Danta dalkaba kasugo kulmiye kana dhex eego Mustaqbalkisa una saamaxday inuu Codkiisa Caqligiisa iyo Cududiisa ku ladho Tasoo sobobtay In inta Jiibta iyo Jaanta la isla helay Calankii Guushu usoo Foorarsaday xagii Xisbigii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye.

Waar maantana wax intaa ka saayidi majiraane waxa maqan uun Xisbigii Gogosha iyo Garashadaba Fidin lahaa ee Abuuri lahaa Jawigii uu kusoo jiidan lahaa dhamaan dadka Ka Riyada iyo Ra’ayiga Duwan inta Kulmiye la dhacsan Hanoqdeen Qabiilo ama Qofafe.

Dawlada iyo Dadka Somaliland waxan xasuusinayaa Shalay iyo Maanta isku mid maha Siyaasada Geesku maxaa yeelay waxa jawi soo kabsho Fiican ah ku jira Somaliya oo ay inoo dhaxayso Garwayn oo Taabaynaysa Mutaqbalka labada dhinac waxa iyada oo ladan inala cayaaraysa Somaliya aan rabin marnaba inaan Siyaasiyan Hore u Socono maxaa yeelay markasta oo aan sii socono waxan usii dhawaanaynaa xagii Gooni Isku taaga Taasina ma ogola oo waynu ognahay.

Waliba halkaa kuma eekee waxay isku dayaysaa inay qayb ka noqoto sidii loo baajin lahaa waxkasta oo kabaya kala Gurashada labada dhinac Hadaba si ay hadafkan u xaqiijiso waa ay Taageeraysaa Cidkasta oo Carqaladaynaysa Hanaan ka siyaasadeed ee Somaliland

Shalay qofka ama kooxda Somaliland ka Hortimadaa wax Taakulo Siyaasi ah kamay helayn Somaliya waayo dhulyaal ayay ahayd Taasina waxay kalifaysay in aanay helin Niyad ay kusii jiraan.

Maantase Qofkii ama kooxdii baxdaa waxay helaysaa Sadex Taakulo Tamartoodu waxay doonto ha ahaatee waxayna kala yihiin:

1: Taakulo Iyo Garabsiyaasi ah oo u saamaxa inay sii Adkaystaan
2: Mid Ciidan oo waxay heli ugu yaran Qalab iyo Zaad Ciidan
3: Meel ay Dabada Saaraan oo kasoo duulaan Adin iyo afka

Ugu Dambayn Dawlada waxan leeyahay inay markasta u Dagdagaan Firdaaminta iyo Xal ka gaadhida arimaha Taagan ee Tabanaya Qaranka .

#Somaliland

COMMENTS