BALIGUBADLE MEDIA
Akhriso 70 Sarkaal oo Waxbarasho Loogu Dirayo Ethiopia Beelaha ay Ka Soo Jeedaan Iyo Taliye Nuux oo U Sadburiyay Beeshiisa
September 17, 2018 - Written by admin

askar tiradoodu gaadhayso 70 askari oo ka tirsan ciidanka milatariga somaliland ayaa aqoon waxbarasho oo heer sarre ah loogu dirayaa dalka ethiopia kuwaas oo la waxbarasho heer sarre ah oo iskugu jirta mid ciidan iyo aqooneedba ku soo qaadan doona dalka ethiopia

 

taani

tirada askarta oo baligubadlemedia u kuur gashay ayaa ah todobaatan askari kuwaasoo 55 kamid ahi ka soo jeedaan beesha taliyaha 15 ka kale ayaanaan ilaa hadda helin sida ay u kala heleen beelaha kale ee somaliland

isku soo wada duuboo waxa wali taliska ciidanka qaranka ka dhex socda u kala abtirinta ciidanka qaranka taasoo halkii u saraysay maraysa waxaana xusid mudan in saddex meelood laba meelood ay hogaamadda ciidanka leeyihiin beesha taliye nuux iyo muuse biixi arintan oo badka soo dhigaysa sida qabyaaladu u biyo dhigtay ciidanka qaranka somaliland

arimahan ayaa ah qaar u markhaati kacaya qadiyadda taliye caare kaga baxay ciidanka qaranka uguna dhawaaqay jabhadda isagoo ku celceliyay inay bixintaankiisa sabab  u tahay cadaalad darro iyo eex ka dhex jirta ciidanka qaranka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS