BALIGUBADLE MEDIA
9 Calaamadood Oo Muujinaya In Protein Ku Kugu Yar Yahay –
September 7, 2018 - Written by admin

Protein ku waa seeska noloshaada (Building blocks). Waa waxa ay ka sameesan yihiin Muruqyadaadu. Cunto kama muhiimsana protein ka.

Run ahaantii Protein ku waa shiidaalka dhaqaajiya kuna taageera jidhkaaga dhisida Nudayaal caafimaad qaba iyo Unugyo (Health tissues and cells).  Protein ku waxa uu ka sameesan yahay sil-siladdo dhaardheer oo Amino Acids ah, Ku waas oo lootixgaliyo inay yihiin curiyayaasha mihiim ka u ah koritaanka, iyo ilaalinta jidhka. Amino Acids ka waxa laga helaa ilo cunto oo badan, gaar ahaan Beedka, Caanaha, Kalluunka iyo Hilibka. Cuntooyin ka dhirta qaar ayaa laga helaa protein ka sida Laws ka.

Muruqyada, Xubnaha iyo Nudayaashu, dhammaan waxa ay ka sameesanyihiin Proteins. Shaqo ahaan, Protein ku

waxa uu ka ciyaara door mihiim ah shaqo kasta oo jidhku qabanayo.

Tusaale:

Protein ku waxa uu caawiyaa bogsashada nabarada, waxa uu maamulaa heerka sonkorta ee dhiiga.Hadii ahmiyad siiso quudashada Protein ka waxa uu caawinayaa in lagubo Baruurta jidhkaaga iyo in lagu ilaaliyo muruqyadaada caafimaad qab.

Qoraalkan waxaan ku xusi doonaa sagaal calaamadood oo ku tusaya inuu Protein ku kugu yaryahay

1. War-war ama Walaac.

Sidan soo xusnay, Amino acids ku waa seeska wax kasta oo jidhku ka sameesan yahay. Waxaana ka mid ah Kimikalis ka fariimaha u qaada Maskaxda (Neurotransmitters). Samaynta Amino acids ku waxay soo saaran (DOPAMINE iyo SEROTONIN), labada kiimikaal ee Maskaxda kana masuulka Awooda, Xasuusta iyo Farxadda.

2. Dhaawaca gaadhaya jidhkaaga oo bata.

Protein ku waxa uu ka qayb qaata in Kaalshiyaamta (Calcium) la nuugo, Curiyaha masuulka ka ah adkaynta/adkaanta lafaha.

Yaraanshaha Protien ku waxa uu sababa in lafta iyo muruquba si fudud u dhaawacmaan.

3. Dawakh ku yimaada Maskaxda (Brain Fog).

Maskaxda oo ay ku timaado astaamo ay ka mid yihiin, Daal/Tamar daro, wareer, Fiirsi la’aan, Xoojinta dhibta, Dhibaatooyin xasuusta,

Maskaxda oo dhinta awoodii dareemayaasha gaarka (Maqalka, Urta, Dhadhanka iyo Araga). Inta badan dhibaatooyinkaa aan xusnay oo dhami waxay la xidhiidhaan isu dheeli tirnaan ku timaada kiimikaliska Maskaxda. Dopamine, Epinephrine, and Serotonin dhamaantood waa kiimikaliska loogu baahan yahay fiirsiga/taxadirka maskaxda. Yaraanta heerka protein ku waxa uu meesha ka saaraa kiimikaliskan iyo shaqadoodiiba.

4. Baruurta/Duxda oo ku badata jidhka.

Maqnaanshaha protein ka jidhku waxa uu caawiyaa in Duxda/baruurtu ku badato jidhka. Kaar ka iyo Isu dheeli tirnaanta ku timaada dheecaanada jidhka waxa ka qayb qaata heerka duxda/baruurta oo jidhka ku saraysa/badata.

5. Dhibaatooyin aad kala kulantid Caloosha iyo Midhicirada.

Caafimaad ahaan Falgalada jidhka iyo dheefshiidku waxa uu u baahan yahay Amino acids aad u badan.

Marka aanay jirin Amino acids ku filan jidhka, dhuumaha ay marto cuntada/dheeftu way yareeyaan shaqadooda iyaaga oo soo dhiiqa/saara dheecaano yar, yareeyana isu-soo ururka gidaaradooda oo muhiim u ah dheefshidka iyo qashin saarka.

6. Khalkhal ku yimaada xiliyada dhadigga (Menstrual Cycles).

Cuntada uu ku yaryahay protein ku waxay ka qaqayb qaadataa in dheecaan ka Insulin jidhku diido, kaar badan iyo miisaanka oo luma/yaraada, taasi oo iyana sababta isu dheeli tirnaan la’aanta dheecaanada jinsiga ee dhadigga (Estrogen iyo Progesterone) ku waas oo loogu baahan yahay inay sugaan xaalada dhadigga.

7. Tamar-yari.

Protein ku waxa uu muhiim u yahay shaqada muruqyada, la’aantiisna waxa soo wajahda qofka awood daro ama liidnimo ay u sababtahay laba arimood:

1-Tamar la’aan (Lack of Energy)

2-Muruqyada oo aan hagaag u shaqayn protein la’aantii.

8. Hurdo La’aan/Yaraan.

Waxa jira sababo badan oo lala xidhiidiyo inay ka qayb qaataan hurda xumida, laakiin inta badan waxa loo tix-galiyaa inay sababto qofka oo quuta protein aan ku

filnayn.

Protein ka oo ku yaraada jidhku waxa uu kor u qaadaa dheecaan ka loo yaqaan CORTISOL (Stress hormone) taas oo aan keeneyn deganaansho iyo niyad sami.

9.Miisankaga oo kordha.

Protein ku waxa uu kor u qaada dareen ka deganaanta. Protein ku waxa uu dheeli-tir ku sameeyaa heer ka sonkorta dhiiga. Heer ka protein ka oo ku filnaada jidhkaagu waxa uu kor u qaadaa isla caafimaadka jidhkaaga.

Illaha ugu wanaagsan ee laga helo Proteinka:

1-Hilib ka

2-Beed ka

3-Kalluunka

4-Caanaha

Mubarak Xaaji Maxamuud Caabi

[email protected]

COMMENTS