BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumaddu Deg-Degga Ay Uga Jawaabto Hadalka Lagu Duro Si La Mid Ah,Ha Uga Jawaabto Dhibaatada Muwaadinka Dalkiisa Wax Gashaday.
August 26, 2018 - Written by admin

Waxaynu Ka War Qabnaa In Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulsha Mudane Cali Sandulle Uu Xanuunka Faaligu Haleelay Xaaladiisuna Haatan Adag Tahay,Waa Maalin Jimce Ah Iyo Ayaamahii Khayrka Badnaa Ee Ciidda Carafa,Waxaynu Allah Uga Baryaynaa Inuu Caafimaad Siiyo, Dhibka Xanuunkaasina Ka Dulqaado…Aamiin.
Cali Maxamed Sandule Waxa Muuqiisa Iigu Horraysay 2007-Dii Wakhtigaasi Oo Anagoo Ka Socona Wasaaradda Warfaafinta Aanu Hawlo Shaqo U Tagnay Magaalada Laas Caanood,Halkaasi Oo

Ay Geesta Kale Ku Sugnaayeen Wefti Ka Socday Xukuumadda Somaliland Oo Uu Hogaaminayay Siciid Sulub Wasiirkii Hawlaha Guud Ee Xukuumaddii Wakhtigaasi Oo Iyaguna Hawlo Shaqo Muddo U Joogay Halkaasi.
Wuxuu Ahaa Shakhsigii Madax,Shaqaale Iyo Ciidanba Dhinacayadii Halkaasi Safarka Ku Joogay Ee Kasoo Kicitimay Magaalada Hargeysa,Ay Martida U Ahaayeen,Qayb Kasta Ama Koox Kastana Halkeeda Ogaalkeeda Ugu Lahaa.
Wuxuu Ahaa Biriishkii Isku Xidhayay,Wax Garadka, Aqoon- Yahanka,Haweenka,Dhalinyarta Iyo Guud Ahaanba Qaybaha Bulshada Gobolka Iyo Weftiga Ka Socda Dawladda Ee Degel Fadhiga Ku Ahaa Magaalada.
Wuxuu Ahaa Cali Sandulle Shakhsiga Qaban Qaabinaya,Kulmada Weftiga Iyo Qaybaha Kale Ee Bulshada Ku dhaqan Jiidaha Ka Baxsan Magaalada,Iyo Kor-Meerada Lagu Tegayo, Goobaha Adeegga Guud, Horkacaya Had iyo Jeer ,Isla Marakaana Ka Dhex Abuurayay Is Fahamka Iyo Isu Soo Dhowaanshaha, Maadaama Aragtida Siyaasiga Ah Ee Labada Daraf Waa Xukuumaddii Waqtigaa Iyo Bulshada Gobolka’e,Aad U Kala Fogayd Xaajaduna U Ekayd Tu Abqaal Ahayd Wakhtigaasi.

Wuxuu Ahaa Shakhsiga Isu Xilsaaray Ee Ka Hawlgelayay Isu
Soo Ururinta Maatadii Iyo Shacabkii Magaalada Ee Dirirtii Somaliland Iyo Puntland Ee Ka Dhacday Halkaasi U Kala Firdhisay Jiidaha Gobolka,,Kuna
Qancinayay In Magaaladoodii Nabad Tahay, Lama Huraana
Ay Tahay Inay Dib Ugu Soo Laabtaan,Maamulka Somaliland-
Na, Wax Dhib Ah Uusan Wadin, Ee Doonayo Taasi Lidkeeda Inuu
Wax U Qabto.

DedaaladaasI Iyo Hawlgaladaasi Oo Aan Hakad Yeelan Jirin Maalin Iyo Habeen,Waxa Uu Mudane Cali Sandulle, Xiliyada Qaar Ku Mudan Jiray, Isaga Iyo Inta Deegaanka Ee La Socota Ee Nabadda Kala Shaqaynaysa,In Xabbad Lagala Hor Yimaaddo,Taasoo Mararka Qaar Ku Sinnayd, In Xubno Caa’iladiisa Ka Mid Ahi Goobtaasi Ku Dhintaan, Kadibna Intuu Meydkii Gacantiisa Ku Saaray Baabuurkii Uu Watay,Isagoon Wax Gaab Ahi Ku Iman, Hawlgalkiisa, Ka Sii Amba Qaadayay Halkaasi…
Falgalkii Aanu Kula Wadaagnay Hawlaha Shaqo Cali Sandulle,Oo Ahaa Wakhtigaas Badhasaabkii Gobolka, Aniga Iyo Saaxiibadaydii Kale, Waxay Hubaal Ka Dhigtay Oo Aanay Cidina Kaga Masuugi Karin,in aannu shakhsiyadiisa ka aaminno Inuu Yahay Nin Geesi Ah,Hawlkar Ah,Qalbi Fiican,Dhismaha Qaranka Iyo Kaalin Galkiisaba Baal Taariikhiya Ku Leh, Gaar Ahaana Wax Badan U Qabtay Gobolka Uu Kasoo Jeeday Ee Sool Iyo Bulshada Ku Dhaqanba……………….la soco

COMMENTS