BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Muuse Biixi oo Xaraashaysa Buurihii Dalka Iyo Balanqaadkii uu ololihii Doorashadda Ku Galay oo Beenoobay.
August 10, 2018 - Written by admin

Xukuumadda uu hogaamiyo kornayl muuse biixi cabdi ayaa u muuqata inay durba ka weecatay dhabihii ay sii sheegi jirtay walkhtigii ololaha ee ahaa inuu dalka ku maamuli doono bilaa musuqmaasuq islamarkaana uu si gaara u ilaalin doono hantoda qaranka balse waxa hadda durba soo ifbaxaysa in Madaxwayne kornayl muuse biixi ka baydhay majarahaas islamarkaana uu xaraashayo dhamaan hantidii maguurtadda ahayd ee dalka taas oo gaadhay inuu buurihii waawaynaa ee dalka gabi ahaanba xaraasho markii uu arkay xadiga dhaqaale ee ku jira

muuse afwayne

dhawaan ayay ahayd markii wasiirka hawlaha guud uu soo saaray warqad wareegto ah oo uu ku fadaxayo qaar kamida buuraha dalka kuwaas oo ka iibiyay shorkaddo gaar loo leeyahay oo shisheeye iyo qaar dalka laga leeyahayba

isku soo wada duuboo madaxwayne biixi ayaa u muuqda inuu ku fashilmay masuuliyadii loo dhiibay islamarkaana aanu kursiga kahor lahayn aragti (Vision) uu ku maamulo kursiga marka uu fuulo balse kaliya ahaa kursi doon

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS