BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Jabhadayn uu Taliye Caarre Ka Bilaabay Bariga Somaliland
August 7, 2018 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay qorshaha uga yaala jabhad uu bariga dalka ka sameeyey taliye Caare oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada qaranka somaliland.

Wasiirka gaashaandhiga somaliland Ciise Axmed Yuusuf ayaa cadeeyey talaabada ay xukuumadu damacsan tahay inay ku wajahdo jabhada uu taliye Caare ka abaabulay bariga somaliland waxanu yidhi “Caare waa sarkaal ka mid ah saraakiisha ciidamada qaranka somaliland walibana nin aanu ruqsaynay maaha, waxaanad la socotaan in mudo dhawr biloodaba uu abaabul jabhadeed ka bilaabay gobolka Sanaag wax kastaaba haku kalifaane, haatana waxa uu ku sugan yahay meel 15km u jirta magaalada Qardho, Caare waxa uu u muuqdaa nin jabhad abaabulaya waxaanay

wasiirka gaashaandhiga
ku salaysnayd cabashooyin iyo hawlihii ka socday gobolka Sanaag iyo dhibtii u dhaxaysay beelihii walaalaha ahaa ee lagu soo afjaray Ceel Afweyn, caare-na waxa uu ka mid ahaa caqabadihii hortaagnaa shirkaas, waxaana laysla gartay in laga madax banaaneeyo wada hadalkii iyo xal doonkii lagu dhamaynayey caqabadii Sanaag ka jirtay.”ayuu yidhi wasiir Ciise oo u waramay bulshtv.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Wada hadalo badan iyo xidhiidh badan ayaa lala sameeyey  balse ilaa hada wax ka soo afjarmay ma jiraan.”

Wasiirka gaashaandhiga somaliland Ciise Axmed Yuusuf ayaa sheegay in haddii taliye Caare iyo kooxdiisu ay diidaan wada hadalka laga qaadi doono talaabo lagu soo afjarayo waxaanu yidhi “Wixii fadqalalo keenaya waxa jirta waajib qaran iyo masuuliyad dastuuri ah, talaabadeedana waa laga qaadayaa, Caare waxa uu wataa dhalinyaro yaryar oo reer somaliland,waxaana muhiim ah in xal waan waan ah lagu eego haddii taas laga waayana khasab waxa ah dawlad ahaan iyo ciidanka qarankaba in talaabada ugu munaasibsan laga qaado sidii loogu soo afjari lahaa, hawl nagu sii dheeranaysana maaha, Puntland ayuu haatan dabada la galay halkaas ilama aha inuu awood iyo taakulo kale ka heli karo laakiin waxa naga go’an oo waajib nagu ah si kastaba haw dhacdee in hawshaas Caare iyo dhalinyaradaas aanu qaranku u dulqaadan Karin maadaama oo laga soo gudbay heer maleeshiyaad iyo abaabul jabhadeed aynu samayno, hawshaasna waan soo afjaraynaa.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS