BALIGUBADLE MEDIA
Xujeydii ugu Horeysay ee Soomaaliya oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay
August 29, 2018 - Written by admin

Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airline ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay xujeey Soomaaliya oo soo gudatay acmaasha Xajka.

Shirkaddan ayaa qeyb ka aheyd shirkaddihii qaadista xujeyda Soomaaliyeed iyadoo dad badan oo Soomaaliya u sahashay in ay sanadkan ka qeybqaataan gudashada waajibaadka xajka, maadaama shirkadda ay ka mid tahay shirkadaha ugu faca weyn shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeya ee dalka.

xujay0

Daallo ayaa markii ay soo celisay qaar ka mid ah xujeeydii soo gudatay acmaashooda Xajka ayaa la hadlay warbaahinta waxaa ay sheegeen in shirkadda ay u qabatay adeegii ugu wanaagsanaa oo ay rajeynayeen.

Xujeeyda waxaa ay sidoo kale sheegeen in la dajiyay hotello ku dhow Xaramka oo ay salaadaha waajibka ku tukanayeen masaajidkaasi, waxaa ay aad ugu mahadceliyeen shirkadda Daallo Airline oo ay sheegeen shaqaalaheeda ay ka war hayeen jiifkooda iyo cunadooda.

Cabdishakuur Maxamed Cali Madaxa suuqgeynta shirkadda Daallo Airline ayaa sheegay in maanta shirkadda ay keeneen 142 xujeey ah isagoo sheegay in todobaadkan ay xooga saareyso dib u soo celinta xujeeyda Soomaalida ah ee soo gutay waajibkooda Xajka.

Magaalooyinka Muqdisho,Hargeysa iyo Boosaaso ayuu sheegay in shirkaddu geyneyso xujeeyda ka soo laabaneysa Dalka Sacuudiga.

Shirkadda ayaa sanadkaan dardar-gelisay howlaheeda shaqo oo ay u qabaneysay xujeeyda Soomalidad waxaana ay dalka ka qaaday 3500 xujeey ah oo la filayo in dhawaan dalka ay dib ugu soo celiso

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS