BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyadda oo Magacaabay La Taliyayaal Tiro Badan oo Siyaasiin Kamid Tahay
August 18, 2018 - Written by admin

Wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa magacaabay shan la taliye oo dhammaantood la taliyayaal ka noqon doona wasaaradda maaliyadda.

wasiirka maaliyadda somaliland

Ma jiro war rasmi ah oo uu Wasiir Yuusuf ku baahiyay magacaabista la taliyayaashan oo uu ka dhex muuqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel).

Shanta la taliye ee uu Wasiirku Magacaabay ayaa kala ah

Prof. Maxamed Yuusuf Iqra, la taliyaha Istaraatajiyada
Maxamed Xaaji, kaaliyaha Prof Iqra ee la taliyaha Istaraatajiyada
Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), la taliyaha sharciga
Liibaan Maxamed Yuusuf, la taliyaha human resource
Maxamed Yuusuf Xaaji Cabdi la taliyaha arrimaha miisaaniyadda
Ismaaciil

Lug-weyne, la taliyaha arrimaha wacyigelinta

Lama garanayo waxyaabaha uu Wasiirka maaliyaddu ku xushay la taliyayaashan, laakiin waxay noqonayaan la taliyayaashii u horeeyay ee tiradan leeg ee lagu dhex arko guud ahaan xukuumadda Somaliland ee aan weli sannadka jirin.

Madaxweyne Biixi, ayaan weli si rasmi ah u magacaabin la taliyayaal, waxaana la sheegaa inuu meesha ka saaray inta badan la taliyayaashii Madaxweynihii hore oo lagu dhaliilo jiray tiro badnaan iyo tayo la’aan,

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS