BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shaqada Laga Joojiyay
August 9, 2018 - Written by admin

Wararka ka imanaya magaalaad Muqdisho ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

news1

Wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Fedaraalka Mukhtaar Mahad Daa/uud.

Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa horay u sheegay in 4-tii April ee sanadkan uu gal dacwadeed ka dhan ah wasiir ku xigeenka u gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka taasoo la xiriirtay ku takri falka hantida qaranka.

Hasa yeeshee warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu beeniyay eedeymahaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS