BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Danbeeyay ee Xaaladda Magaaladda Jigjiga
August 8, 2018 - Written by admin

Magaaladda Jigjiga ee Xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa xaaladeedu ay maanta aad u degan tahay, waxaana amaanka weli gacanta ku haya Ciidamada Milatariga Dawladda Federaalka Ethiopia.

jigjiga7

In badan oo ka mid ah dadkii deganaa Magaaladda Jigjiga ayaa iskaga cararay Magaaladaasi, waxaanay nafahooda ula carareen meelo ay bidayaan in ay ku nabad geli karaan.

Dhinaca kale  boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Wajaale ayaa u tallaabay dhanaka Somalilanad, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas haddana dadka ka cabsi qabay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Sabtidii ay halkaas ku faafaa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS