BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay ee Ku Saabsan Xaaladda Magaaladda Jigjiga
August 17, 2018 - Written by admin

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa maalmahan xasiloon, waxaana dib ugu noqonaya magaalada dadkii hore uga barokacay magaalada markii shaqaaqadu ka dhacday 4 bishan aynu ku jirno.

Dadkaa haatan magaalada dib ugu noqday waxay magaalada ka qaxeen markii ay dhaceen rabshado baaxad leh markaas oo hanti badan la bililiqaystay, Kaniisado lagubay dadna la sheegay in ay ku dhinteen.

Axmed Maxamed Muxumedoo ka mid ah dadkii Jigjiga ka qaxay ee haddana dib ugu noqday ayaa BBC-da u sheegay in magaaladu ay haatan xasiloon tahay, waxaanu yidhi “in kasta oo xaaladdu xaalad milatari ay tahay hawshu ilaa hadda.

Milatari aanaan hadda ka hor aanaan wadanka ku aqoonin oo xeryihiisa isaga jiri jiray ay hadda albaab walba fadhiyaan, dadkii dhegahaa ilaa hadda u taagan”.

Xiisaddaa ka dib waxa dhacday in hogaankii maamulka gobolka la bedelo oo waxa haatan xilka madaxweynenimada Dawlad Deegaanka Soomaalida la wareegay wasiirkii hore ee maaliyadda Axmed Muxumed Cabdi. Hogaankii xisbiga talada hayeyna waxa la wareegay Axmed Shide oo loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.
BBCSOMALI

COMMENTS