BALIGUBADLE MEDIA
Waayo Dhalinyaradda Madaxa Ka Qabsatay Madaxwayne Biixi ee Aanu La’aantood Go’aan Gaadhi Karin.
August 11, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland kornayl muuse biixi cabdi ayaa dadku wakhtiyadii hore kahor intaanu fuulin kursiga madaxwaynaha u yaqaaneen nin balo ah oo jabhad ah islamarkaana waayo aragnimo u leh hagida iyo wadida dawladeed

shirjaraaid muuse

balse madaxwayne biixi markii uu meesha fuulay waxa soo baxday tibaax kaa duwan oo badka soo dhigaysa shakhsiyadda rasmiga ah ee madaxwaynaha oo aan ahaynba shakhsiyadaas hore ee dadku u yaqaaneen

muuse biixi oo da’da Todobaatanka (70) kor u dhaafay ayaa markii uu taladda dalka qabsaday ku hafeeftay sidii uu u wadi lahaa islamarkaana muddo gaaban gudaheed gacanta u galay koox dhalinyaro beeshiisa ah kuwaas oo uu horeba gacantooda ugu jiray ilaa wakhtigii ololaha kahor

dhalinyaradan ayaa kala ah madaxa shirkadda daabacaadda ee Sagal jett, Xoghayntiisa khaaska ah Mubaarig Taani wiil uu madaxwaynuhu sodog u yahay oo lagu magacaabo gacmo dheere iyo dhalinyaro kale oo tiradoodu gaadhayso toboneeyo qof kuwaas oo maalinba arinka ay keenaan uu ku shaqeeyo madaxwaynuhu.

waana sababta keentay in madaxwaynuhu ilaa hadda soo dhaafi waayo xaafadooda maadaama oo aanu dalka intiisii kale uba war hayn islamarkaana uu isku bedelay oday reereed haba ahaado oday reereede dhalinyarada madaxa ka haysata madaxwaynaha ayaa iyaga laftarkooda ay dhaaftay inay odayga maadaama oo uu da’ noqday ay ilaaliyaan dhaxalkiisa dambe islamarkaana ay siiyaan talooyin wax ku ool ah

muuse biixi ayaa hore uga mid ahaa dadkii madaxwayne siilaanyo ku xaman jiray inaanu talin ee uu dalkii kaga seexday dumar iyo caruur balse muuse biixi ayay isagii taasi ku dhacday waxaanad moodaa in qaabka faashilka ah ee muuse wax u wado ka khatar iyo waayo aragnimo badnayn qaabkii ay u wadeen dawladii wakhtigaas dumarkii muuse gurigiisa kaga xaman jiray inay dalka u taliyaan

balse kooxdan muuse madaxa ka qabsatay ayaa ah koox talo liidata islamarkaana odaygii ka dhigay chief caaqil reer kaas oo gabi ahaanba meesha ka saaray dalkii kale islamarkaana gabi ahaanba dalka u haysta gabiley iyo berbera

dhanka kale waxa xusid mudan in kacdoono ka socdaan mandaqadda geeska waxaana hubaala in isbedeladaas aanay si naba uga maarmi karin somaliland oo taladeedii marayso iyo ciyaal ku shaqaystaan madaxwaynihii islamarkaana ay afduubtaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS