BALIGUBADLE MEDIA
Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland oo Ka Hadlay Xaalada Ka Taagaan Magaalada Jigjiga + Baaq Balaadhan oo uu Diray
August 6, 2018 - Written by admin

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa baaq culus ka soo saaray xaalada ka taagan magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

ugaaska

Ugaas Axmed Maxamed Siciid ayaa war uu soo saaray oo soo gaadhay shabakada Baligubadlemedia waxa uu u dhignaa sidan:-

Anigoo ah Ugaas/ Axmed Maxamed Siciid(Cali-Mahdi )Waxaan aad iyo si mug leh uga xumahay kana dareen celinayaa mashaqada iyo dhiilada ka timid Dadkayga ku dhaqan Dawlad Dagaanka Soomaaliyeed ee Itoobia oo si aan Diin iyo Dadnimo midna ku fiicnayn wax uga dhaceen Dalkooda.

Siyaasad ka hadli maayo oo waxaan u dhaafayaa Xukuumadaha u Xil saaran ee loo igmaday oo awood u leh.

Waxaanse mar iyo laba iyo seddexba ka xumahay sida iyo goorta weerarku ku dhacay umadda nabada ku seexatay kuna soo toostay iyo dhaca, dhaawaca iyo dhimashada ka dhalatay kuna waabariisatay Jig Jiga iyo Gobolo kale oo ka mid ah Dawlad degaanka soomaalida ee Itoobia oo boob iyo bililiqaysi ka dhacday  iyaga iyo Qoomiyadaha kaleba ee ku dhaqan goobahaas.

Way jirtay in muddooyinkii dambe  Qoomiyada Soomaaliyeed iyo Qoomiyado kale ee wallaalaha ahi xurguf aan qurux badnayni ka aloosnayd oo aan leeyahay Eebe(swt) ha garansiiyo wada noolaanshahoodii ay ku soo nabad iyo caano maaleen lana majeeran jiray.

Kuma farxayno dhibaatada Dadka Soomaaliyeed iyo Qoomiyadaha kalaba ku timaada ee Dalka iyo Dadkuba ka dhexeeyo.

Waayo dhibkoodu waa dhibkayaga dhibkayaguna waa dhibkooda.

Kuma farxayno in horumarkii iyo quruxdii ka hana qaaday Dalkooda uguna faani jireen qayrkood ay si dhib yar gacamahooda ugu burburiyaan.

Waxaan Eebe(swt) uga baryayaa inuu intii ku geeriyootay dhacdadan ku ilhaamiyo qawlka suuban,naxariistii jano ka waraabiyo Qabrigana u nuuro,Dadkoodiina Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Intii ku dhaawacantayna caafimaad sareecana ka siiyo ugana dhigo ajar wa caafiya.Intii ku maal waydayna cawil khayr qaba ka siiyo.

Qoomiyada Soomaaliyeed iyo kuwa kalena waxaan odhan lahaa caqligu haydin shaqeeyo oo cunfi iyo colaada xakameeya kuna soo dabaala jawigii fiicnaa ee wada noolaanshaha suubanaa.

Waxa iyana xusid mudan, sidii uu sheegay Madaxweynaha JSL in Dadka martida u ah wadanka ee ku nool Gobolada, Degmooyinka iyo Tuulooyinkaba la ilaaliyo oo aan wax dhibaato ah loo gaysan iyana ay dhawraan nadaamka iyo sharafta Dalka iyo Dadka ay la nool yihiin.

sidoo kale waxaan ku cel celinayaa inaanan u dulqaadanayn kana adkaysan doonin in dadkayaga soomaaliyeed dhibaato loo gaysto nooca ay doontaba ha ahaatee, cidna ka yeeli mayno, waxaanan soo jeedinayaa in si deg deg ah dhibaatada looga daayo dadkayaga soomaalida ee ku nool wadanka Itoobiya anaga oo aan indhaha ka qarsan doonin haddii ay dhibaatadani sii socoto

 

Allaah Mahad leh.

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi)

Ugaaska guud ee Beelweynta Arab.

COMMENTS