BALIGUBADLE MEDIA
Turkiga Iyo Faransiiska oo Ku Heshiiyey Qodobo Dhaqaalaha Maraykanka Taabanaya + Nooca Qodobadaasi
August 20, 2018 - Written by admin

Wasiirka arimaha dibada Turkiga Berat Albayrak iyo dhigiisa dalka Faransiiska Bruno Le Maire oo khadka telefanka ku wada xidhiidhay ayaa ku inay si wada jir ah ula dagaalamaan cunaqabataynta dhaqaale ee maraykanku saaray wadanka Turkiga.

Wasiirada maaliyada Turkiga iyo Faransiiska ayaa isla gartay inay qaadaan ficilo ka soo horjeeda ciqaabta dhaqaale ee maraykanku ku soo rogay wadanka Turkiga, iyaga isla falanqeeyey iskaashiga dhaqaale ee ay wada yeelan karaan,.

ankara iyo paris

Sidoo kale labada wasiir ayaa ku heshiiyey inay hagaajiyaan xidhiidhka u dhaxeeya labada wadan, waxaanay isla garteen in weftiyo ka socda labada dal ay kulan ku yeeshaan magaalada Paris 27-bisha August.

Wasiirka maaliyada dalka

Faransiiska Bruno Le Maire ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Twitter-ka waxa uu kaga hadlay kulanka uu la qaatay dhigiisa Turkiga “Wada hadal dhismaha Turkiga ah ayaan la qaatay Berat Albayrak oo ah wasiirka maaliyada Turkiga, kulankaas oo daba socday wada hadal dhex maray madaxweyne Emmanuel Macron iyo madaxweyne  Recep Tayyip Erdogan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS