BALIGUBADLE MEDIA
Sucuudiga Oo U Yeedhay Safiirkii Ka Joogay Wadanka Canada Iyo Sababaha Keenay
August 6, 2018 - Written by admin

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hakisay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee u  dhaxaysay Canada, iyadoo arrintaas ku sababaysay “faragalinta” ay ku hayso arrimaheeda gudaha.

wakiilka sucuudiga ee canada

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay eryayso safiirka Canada isla markaana ay u yeedhanayso safiirkeeda Canada u fadhiyey .

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Canada sheegtay “in ay aad uga walaacsan tahay” xidhitaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xidhay waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Xidhitaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.

Source:-BBCsomali

COMMENTS