BALIGUBADLE MEDIA
Samuel Eto’o oo U Gurmaday Kabtankii Hore Ee Xulka Qarankiisa oo Duruuf Nololeed Soo Wajahday
August 31, 2018 - Written by admin

Kabtankii hore ee xulka Qaranka Cameroon Norbert Owona, oo hoy la’aan ahaa labadii sano ee la soo dhaafay ayaa u mahad celiyay Samuel Eto’o oo u ballan qaaday guri cusub.

Waxa uu BBC-da u sheegay in weeraryahankii hore ee kooxaha Barcelona iyo Chelsea uu dhawaan ku booqday isbitaalka.

eto

Eto’o, oo hadda u ciyaara koox kubadda cagta ah oo ka dhisan dalka Qadar ayaa arrimaha ku saabsan 67 jirkaas ciyaartoyga ahaan jiray ka maqlay barnaamij documentary ah oo laga sameeyay isagoo guri ahaan u seexda waddooyinka magaalada Douala.

Owona ayaa hadda ku jira isbitaal uu ku sugayo qalliin ku saabsan xanuunka hernia ee ku dhaca murqaha iyo xubnaha taranka..

‘Nin aad u naxariis badan’

Leocadia Bongben oo ah wariyaha BBC-da ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Yaounde, ayaa sheegtay in laacibkaasi hore uu khadka taleefanka kula hadlay ayna codkiisa ka dareemeysay daciifnimo laakiin uu aad u faraxsanaa.

“Eto’o waa nin aad u naxariis badan, naxariis aad iyo aad ah,” ayuu ku yiri.

Wuxuu intaas ku daray in 37 jirka afarta jeer ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Africa uu siiyay lacag dhan $1,000 (£750), sidoo kalena uu u ballan qaaday guri cusub.

“Guri iyo wax aan cuno toona ma heysannin,” ayuu yiri Owona.

Eto’o ayaa maalintii Axadda ee 19-ki bishaan Agoosto rug caddaagan ku booqday isbitaal ku yaalla magaalada Douala ka dib markii barnaamijka laga sameeyay uu telefishinka Equinoxe ee dalka Cameroon ka baxay horaantii bisha.

Waxaa barnaamijkaas lagu soo ban dhigay ciyaaryahankaas gaboobay oo jiifa meel aad u wasakh badan wuxuuna sharraxay in lacagihii uu heystay oo idil ay uga dhammaadeen daaweynta xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Markii ay xaaskiisa iyo labo carruur ah oo uu dhalay dhinteenna ma uusan helin wax caawinaad ah.

In kastoo sida uu sheegay uu marar badan warqado codsi kaalmo ah u dirsaday dowladda, haddana wax jawaab ah kama uusan helin.

Laakiin markii uu telefishinka ka baxay barnaamijkaas, hay’ad samafal oo lagu magacaabo African Synergy oo ay abuurtay marwada koowaad ee dalkaas Chantal Biya ayaa u qaban qaabisay in isbitaalka la dhigo.

Ciyaartoygaan hore ayaa BBC-da u sheegay inuu qabay dhaawacyo dhanka lugaha ah oo ay ku adkeyd inuu socdo.

Xaaladda ku xun rug caddaayada

Inii ay socotay diyaarinta barnaamijka documentary-ga ah, Owona wuxuu sheegay in xasuusta uu ugu jecelyahay waayihiisa ciyaaraha ay tahay mar uu madaxweynihii dalkaas Amadou Ahidjo soo jabiyay xeyndaabka ammaanka ee garoonka, si uu ula dabaal dago ka dib markii uu labo gool ka dhaliyay ciyaar ay sannadkii 1972-kii kula kulmeen kooxda kubbadda cagta ee dalka Zaire oo hadda ah Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.

Ciyaartaas ayaa qeyb ka ahayd tartanka Africa Cup of Nations, waxayna ku dhammaatay 5-2 ay guusha ku raacday xulka Cameroon oo markaas ay u suurta gashay inuu kaalinta saddexaad ka soo galo tartanka.

“Haddii uu madaxweynihii hore ee Cameroon Ahidjo noolaan lahaa, sidaan uma dhibaatoodeen”, ayuu ku yiri BBC-da.

Joseph Kamga, oo ah ciyaaryahan kale oo horay uga tirsanaan jiray xulka qaranka Cameroon ayaa sheegay in Owona uusan ahayn rug caddaaga kaliya ee ka tirsanaa xulka libaaxyada ee xaalad adag maray, balse ay jiraan kuwo kale oo sidaas u dhibaatooday.

“Xaaladda ay ku suganyihiin ciyaartoydii aan isku kooxda ahayn ma ahan mid laga sheekeyn karo,” ayuu yiri Kamga oo ka ciyaaray tartankii koobka adduunka ee sannadkii 1982-kii ka dhacay dalka Spain.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay in xaaladda Owona ay fadhiga ka kicisay masuuliyiinka dhinaca ciyaaraha ee dalkaas.

Wariyaha BBC-da ayaa sheegeysa in xubnaha ka tirsan kooxda kubadda cagta ee Cameroon ay hadda ka hadlayaan mashruuc lagu caawinayo ciyaartoydii hore, kuwaasoo la doonayo in ay noqdaan tababareyaal ama masuuliyiin dhanka ciyaaraha ah.

Sources: BBC Somali

COMMENTS