BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Ethiopia oo Baaq U Diray Muslimiinta Wadankaas
August 22, 2018 - Written by admin

Ra’isal Wasaaraha Waddanka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaanba ummadda islaamka ah ee aduunka iyo dalkiisaba.

Waxa uu ugu baaqay guud ahaanba shucuubta Islaamka ah ee dalkiisa in ay ilaaliyaan nabad galyadda isla markaana ka shaqeeyaan maxabadda iyo is dhex galka Bulshadda kale.
aby axmed
Abiy Ahmed Ali oo ka hadlayay warbaahinta wadanka Ethiopia ayaa ayaa intaasi ku daray in midnimadda Dadyoowga ah Muslimka ah ee u dhashay wadanka Ethiopia ay tahay mid sare u sii qaadi karta midnimadda shucuubta kala duwan ee ku wada nool wadankaasi.

Sidoo kale waxa uu aqoonyahanka, wax garadka

iyo hogaamiyeyaasha diinta islaamka ee wadankaasi uu  ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha Quluubta, dhaqanka, Bulshada iyo ka hortaga  rabshadaha.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS