BALIGUBADLE MEDIA
Ra’isal Wasaaraha Ethiopia oo Wasiiradiisa Ka Mamnuucay In Ay Kaxaystaan Baabuurta Qaaliga Ah
August 29, 2018 - Written by admin

Raysal waraaha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa waxaa uu soo saarey amar cusub oo ah in aan madaxda dalka Itoobiya baabuurta raaxada ee qaaliga ah ee V8 iyo Prado 4 ku dhex wadan Karin magaalooyinka dalkaas .

Idaacada FANA ee Itoobiya ayaa shalay baahisay in dawlada faderaalka Itoobiyaay todobaadka danbe ay si rasmi ah u hir galineyso amarkan .
RangeRover
Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee wasaarada maaliyada iyo iskaashiga dhaqaalaha Itoobiya Haji Ibsa ayaa warbaahinta dawlada u sheegay in go,aankani hir gali doono todobaadka danbe .

Amarkan cusub ayaa wasiirada , wasiirul dawlayaasha , afhayeenada Baarlamaanka, Gudoomiyayaasha iyo

ku xigeenada maxkadaha sare ee dalka Itoobiya , guddiyada iyo ku xigeenadooda waxaa uu ka mamnuucayaa inay baabuurta V8 ( 8- Cylinder ) iyo Prado 4 Cylinder ay ku dhex wataan magaalooyinka , waxaana ay madaxda itoobiya Baabuurtan raaxada ah ee qaaliga ah u isticmaali diian oo kaliya safarada ay kaga baxayaan magaalooyinka .

Masuulkani waxaa uu sheegay in taas bedelkeeda dawalda Itoobiya magaalooyinka gudahooda isticmaali doonan baabuut iyaga oo fur furan dibada laga keeno oo lagu rakibo gudaha dalka Itoobiya oo ah nooca DFM-S50

” Baabuur ah nooca DFM-S50 oo dalka gudihiisa lagu rakibo ayaa loo diyaarinayaa iyaga iyo masuulyiinta sar sare ee kale ee xukuumada m, si ay ugu isticmaalaan magaalooyinka ” ayuu yidhi masuulkani .

Taalabadan ayaa ay dawlada Itoobiya u qaadeysaa si ay u yareyso kharashka shidaalkaee baabuurtan qaaliga ah ku baxda iyada oo ay dalkaasi ka jirto macluul ba,ani.

Talaabadan ayaa sida ay warbaahinta dalkaasi sheegtay waxaa si weynu soo dhaweeyey shacabka Itoobiya oo arkaayey lacagtooda oo ku baxda shidaal ku baxa baabuurtan oo madaxda dawladu ay isticmaalaan .

Dalalka Africa ee ay ka go,an tahay in ay gaadhaan Horumar ayaa waxaa madaxda dawlada ka mamnuuc ah inay ku takri falaan hantida umada waxaana dalalka Afirca Qaarkoodisticmaalaan baabuurta qaaliga ah oo guud ahaan qaarada dhaqaale badani kaga baxo .

Somaliland oo ay jaar yahiin dalka Itoobiya ee go,aanka madaxdiisa dul dhigay ayaa waxaa inta badan masuulyiinta dawlada Somaliland Isticmaalan baabuurta loo yaqaano V8 , iyadoo Somaliland ay tahay dal aan la aqoonsan oo aan laheyn dhaqaale adag

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS