BALIGUBADLE MEDIA
Qareenkii Hore Ee U Doodayey Madaxwaynaha Maraykanka oo Qirtay Dacwadaha Halis Ku Ah Donald Trump
August 22, 2018 - Written by admin

Michael Cohen oo ah qareenkii hore ee madaxweyne Trump ayaa maxkamad ku taalla Manhattan ka qirtay dambi iyo in uu meel kaga  dhacay shuruucdii dhaqaalaha loo adeegsado ol’olaha doorashada.

Wuxuu sheegay in uu sidaa sameeyay isaga oo tilmaan ka helay “murashaxa” ujeedaduna ay ahayd “in lagu saameeyo doorashada”.

Qirashada Cohen ayaa lala xidhiidhiyey  lacagta ceeb qarinta ah ee la siiyay gabadh Trump ku eedeeysay in uu xidhiidh gogol la yeeshay.

Qareenkan oo 51 jir ah ayaa qirtay siddeed dacwadood oo ay ka mid yihiin canshuur lunsasho iyo dambiyo xisaabo bangi la xidhiidha, arrintaas ayaana dhacday isaga oo wada shaqayn la samaynaya dacwad

oogeyaasha, si isagana il naxariis leh loogu fiiriyo.

Trump ayaa iska dhago tiray su’aalo ay saxafiyiintu waydiinayeen oo ku saabsanaa Cohen ka dib markii uu habeennimadii salaasada ka dagay West Virginia oo uu kaga qaybgalayay isu soo bax la sii qorsheeyay.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sidoo kale diiday in uu ka hadlo arrintan.

Qirashadan ayaa timid iyadoo xeerbeegti ku sugan Virginia ay dambi ku heshay madixii hore ee ol’olaha dooradhada Trump, waxyaabaha lagu helayna waxaa ka mid ah xisaabo bangi oo si khalad ah loo adeegsaday iyo wax is dabo marin canshuur.

Maxaa maxkamadda ka dhacay?

Cohen ayaa sheegay in uu talada ka helay “murashax xafiis faderaal u loolamayay” – kaas oo laga soo qaaday in uu yahay Trump laftirkiisa – si uu u jabiyo sharciyada faderaalka ee doorashada.

Miisaanka eedaymaha ka dhanka ah Cohen waxay ciqaabtoodu noqon kartaa qiyaastii 65 sano oo xabsi ah.

Laakiin heshiiska uu galay ee ah in uu gacansiiyo baadhitaanka la wado ayaa horseedi kara in lagu xukumo ilaa shan sano iyo saddex bilood oo xabsi ah, sida uu sheegay xaakim William Pauley

Shan dacwadood oo canshuur la baxsasho ah.

Hal dacwo oo ah inuu been u sheegay hay’ad maaliyadeed.

Hal dacwo oo ah in inuu si kas ah ugu sabay shirkad in ay lacag sharci darro ah bixiso.

Iyo hal dacwo oo ah inuu tabarucaad dheeri ah bixiyay ka dib codsi uga yimid musharrax ama olole doorasho.

Bisha Diseembar 12 ayaa la qorsheeyay in la rido xukunkiisa. Haddana waxaa lagu sii daayay biil ka dib markii uu dhigay 500,000 oo damaanad ah.

Saxafiyiintii ku sugnaa maxkamadda ayaa sheegay in codka Cohen uu isku dardarsamay markii uu ka jawaabayay su’aalo is xigxiga oo uu xaakimku waydiinayay.

Waxaa la waydiiyay in uu isticmaalay khamri ama daroogo markii uu qirashada dambiga samaynayay.

Cohen ayaa xaakimka u shegay in uu hal koob oo khamri ah ku casheeyay habeen ka hor.
Source:-BBCsomali

 

 

COMMENTS