BALIGUBADLE MEDIA
Qaramada Midoobay Oo Soo Bandhigtay Tirada Shaqaalaha Gargaarka Ee Lagu Dilay Soomaaliya Iyo Taageerada Ay Uga Baahan Yihiin Dawlada. –
August 22, 2018 - Written by admin

Sarkaal sare oo ka tirsan qaramada midoobay ayaa soo bandhigay tirada shaqaalaha bani aadaminimada ka hawl galayey ee lagu dilay dalka soomaaliya iyo sidoo kale kuwo kale oo la dhacdooyin rabshado wata oo ka dhacay soomaaliya.

Peter de Clercq   ah ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ee soomaaliya isla markaana ah madaxa isu duwaha hawlaha bani aadaminimada ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka u qaabilsan qaramada midoobay.

Peter de Clercq ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Twitter-ka waxa uu ku yidhi “Sanadkan gudihiisa dalka soomaaliya waxa lagu dilay todobaa(7) ka mid ah shaqaalaha gargaarka  bani aadaminimo, waxa

kale oo shaqaaluhu ay wajaheen 74 dhacdo oo rabshado wata kuwaas oo saameeyey adeegyadii ay bixinayeen iyo qalabkii wateen.”

Sidoo kale ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Peter de Clercq  waxa uu soo bandhigay waajibaadka looga baahan yahay hogaamiyeyaasha soomaaliya “ Waxaanu u baahanahay in hogaamiyeyaashu ay qabtaan wax kasta oo la gudboon oo lagu ilaalinayo shaqaalaha gargaarka  si aanay u noqon kuwo la bartilmaameedsado.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS