BALIGUBADLE MEDIA
Muwaadiniinta Hargeysa oo Cashuurtoodii Waxba U Tari Wayday + Soltelko oo Markii Afku Ka Waynaaday Lacago Kale Ku Dhawaaqay
August 10, 2018 - Written by admin

Dadwaynaha caasimadda hargeysa ayaa amakaag ka qaaday hadal ka soo yeedhay maayarka fashilmay ee hargeysa kaas oo markii uu si walba u cunay hantidii iyo cashuurtii dadwaynaha kursiga isa siiyay islamarkaana gabi ahaanba meesha ka saaray wax u qabashadii dadwaynaha uu cashuurta ka qaado

soltelko ayaydhalay

cashuurta oo ah ta dadka wax loogu qabto ayuu maayarku ku tilmaamay inaan waxba loogu qabanayn balse cid kasta oo waddo doonaysa looga fadhiyo inay bixiso lacag kale oo 40% (Boqolkiiba afartan ah) taas oo ka yaabisay bulshadda caasimadda islamarkaana soo qadintay foolxumadda golaha deegaanka hargeysa.

haddaba maxaa looga fadhiyaa bulshadda caasimadda

bulshadda caasimadda waxa looga fadhiyaa inay joojiyaan bixinta cashuurta madaama oo ay cashuurtoodii noqotay hanti la iska cuno oo aan waxba loogu qabanayn islamarkaana sida maayarku qiray aan wax u jarayn dadka cashuurta bixiya sida adeegyadda biyaha, wadooyinka, xashiishka iwm taasoo hadii aan waxba loogu qabanayn ku haboon inay ku faro adaygaan cashuurtooda oo aanay iska bixin

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS