BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Balaadhnaa ee ay Wada Yeesheen Raysal Wasaare Aby ahmed Iyo Ergo Boqolaala oo Kamida Deegaanka Somalida
August 25, 2018 - Written by admin

Kulan Mihiim ah oo maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay waxa ka soo bixi doona iyo nooca uu noqon doonno ayaa Shalay ka qabsoomay Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya kaasi oo ay si fool ka fool ah isku waajaheen Raysal Wasaaradaha Itoobiya Axmed Abiye iyo Maamulka Cusub ee loo yagleelay Maamulka Soomaalida Itoobiya.

aby axmed

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa waxgarad laga soo kala xulay dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin Soomaalida dalkaasi Itoobiya kuwaasi oo wax badan is weydaarsaday Ra’isul wasaaraha.

Waxaa madasha kulanka ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee DDSI oo maalin uun ka hor la

doortay, iyadoo si wada jira looga wada hadlay sidii xal dhameystiran looga gaadhi lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’isul wasaare Abiye ayaa dhinacyada uu la kulmay ka dalbaday inay u hogaansamaan awaamiirta dowladda iyo kan maamulka, waxa uuna ugu baaqay inay la yimaadaan qorshooyin ka duwan kan iminka laga soo gudbay.

Waxa uu Abiy Axmed u sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in si wanaagsan ay ula shaqeyso maamulka Soomaalida Jigjiga, hase yeeshee dhanka dadka deegaanka laga doonaayo inay muujiyaan jilicsanaan oo ay marwalba la wadaagaan baahiyahooda bulsheed. Abiye Axmed waxa uu Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ka dalbaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa dhankooda Ra’isul wasaare Abiy ka dalbaday in mar walba ay helaan cadaalad iyo sinaanta maamulka. Waxa ay sidoo kale ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu waayay naf iyo maalba.

Ra’isul wasaare Abiye Axmed iyo dhinacyada kulanka qeybta ka ahaa ayaa isla fahmay in si wada jira leysaga kaashado Nabada, Hormarka iyo u hogaansamida amarada maamulka iyo dowladda.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa dadkii shirkan ka qayb galay ee Soomaalida ahaa waxa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo nabadayn lahaa guud ahaan Itoobiya gaar ahaana dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loo abuuri lahaa jawi is fahan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS