BALIGUBADLE MEDIA
Mas’uuliyiinta ismaamulka Oromiya oo Ka Hadashay Somali Lagu Laayay Deeganadaas
August 29, 2018 - Written by admin

Waxaa soo labo kacleynaya colaadihii u dhaxeeyay qoowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada xilli la filayay in xasilooni lagu soo dabaalo deegaanada dariska ah.

Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay dhacday 48-dii saac ee ugu dambeysay, waxaana lasoo xaqiijiyay in dad Soomaali ah oo 10 qof ka badan lagu diley deegaanada Baabili iyo Tuli Guuleed kadib markii dad hubeysan oo ka tirsan Oromada ay soo weerareen halkaas.

news deg ah

Meydadka dadkii la dilay oo la keenay magaalada Jig Jiga ayaa waxaa ka dhashay dareen shacab oo aad u xoog badan, iyada oo boqolaal qof oo isugu soo baxay isbitaalka hortiisa ay xirteen weer guduudan, islamarkaasna ay diideen

in meydadkii la aaso illaa laga soo qabanayo dadkii dilka fuliyay.

Dad kala duwan oo Soomaali ah oo aan la xiriirnay waxa ay sheegeen in ciidan hubeysan oo Oromo ah oo abaabulan ay weerar ku hayaan tuulooyinka xudduuda ku yaala ee Soomaalida.

Waxaa sidoo kale BBC-da loo xaqiijiyay in magaalada Diridhaba la geeyay dad meyd ah oo Soomaali ah oo dhexda lagu dilay iyaga oo safar ah.

Isla Diridhaba waxaa ka dhacay rabshadado dhagaxtuur ah oo dhexmaray Soomaalida iyo Oromada, waxaana kacsan xiisad culus oo labada dhinac u dhaxaysa.

Madaxweynaha ismaamulka Oromada Lema Magarsa oo la hadlay warbaahinta Itoobiya qaarkeed ayaa sheegay in uu ka xunyahay waxa dhacay , wuxuuna ku baaqay in dagaalada la joojiyo.

Ninka lagu magacaabo Jowhar Maxamed oo ah nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Oromada ayaa ka tacsiyeeyay Soomaalida la dilay, wuxuuna sheegay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay.

Fariin uu kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “Waan ka xumahay in dad Soomaali ah la laayay iyada oo uu meesha ka baxay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo kuwii kale ee dadka isku diri jirey”, wuxuuna intaas ku daray codsi uu u jeediyay Soomaalida oo ah in aysan aarsanin.

Taliyaha booliiska Itoobiya Seynu Jamaal oo isna la hadlay laanta Afka Amxaariga ee BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay xireen illaa 50 oo Oromo ah, kuwaas oo looga shakisanyahay in ay rabshadaha qeyb ka yihiin, wuxuuna intaas ku daray in ay ku raadjoogaan kuwa kale.

Balse madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaanan weli ka hadlin rabshadaha soo cusboonaaday, taas badalkeedana waxa uu shalay booqday kaniisad ku taala Jig Jiga oo ay ku jiraan dad ku barokacay rabshadihii ka dhacay magaalada Jig Jiga.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu meesha ka baxeen maamulo lagu eedeyn jiray in ay iyagu sababo siyaasadeed u abaabuli jireen collaada labada qowmiyadood, ayaanan hadda la ogeyn waxa rasmiga ah ee baasiinka kusii shubaya rabshadaha labada dhinac.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS