BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Wax Badso Wax Beel Bay Leedahay.Qarankani Uma Baahna Sawir La Iskaga Soo Qaado Nin Cadaan Ah Oo Gidaar Taagan. –
August 11, 2018 - Written by admin

Mudane Madaxweyne. Jamhuuriyadda Somaliland Waxay U Baahan Tahay Dad Aqoon U Leh Xidhiidhka Doblumaasiyadeed Ee Caalamka,Waayo Aragna U Ah,Sida Dunida Wax Loola Wadaagayo,Qaddiyadda Somaliland Ee Ictiraaf Raadinta,Iyo Danaha Horumarineed Ee Qarankan Curdinka Ahna Sida Looga Midha Dhalin Karo Xeeladaheeda Garan Kara…

Waayo Aragnimo La’aantu Waa U Nacab, Madaxweyne, Sharafta Qaranka,Waxaanay Sababi Kartaa In Qofku Isagoo Doonaya Inuu Qarankiisa Wax Usoo Kordhiyo Inuu Hadana Nusqaan Weyn Oo Laf Jab Ah,Inoo Soo Jiido,Sidaasi Awgeed Waxa Lagama Maarmaan Ah In Laga Fiirsado Shakhsiga Qaranka Somaliland Metelaya Ee Safiirka Ama Wakiilka Uga Noqonaya Dalalka Caalamka,Mana

Habboona In Umadaha Aynu Danaha Ka Leenahay La Horgeeyo Kolba Qof Qurbaha Ku Camal Beelay Oo Isaguba Lafihiisa Waxba Uga Qabsan Waayay,Iyo Gabadh Yar Oo Kolba Wax Aan Loo Dirsan Xukuumaduna La Ogayn Iska Darjiidha, Kolbana Nin Cad Oo Gidaar Iska Taagan Ama Ay Hutel Ku Kulmeen Sawir Iskaga Soo Qaada,Waxyaabahaasi Qaranka waxay U keenayaan Fadeexad Iyo Ceeb..Sacad cali shirena waxaan oran lahaa ummadda .iyo madaxweynaha xilka kuu dhiibay ka xishood oo dad tayo aqooneed leh qaranka u raadi halkaad qabyaalad raadin laheed

[email protected]

COMMENTS