BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Siilaanyo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa Iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo Ka Muquuratay Soo Dhawayntiisa
August 2, 2018 - Written by admin

Madaxwaynihii hore Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd ku soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isagoo ka soo degay garoonka diyaaraddaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport.

madaxwyane siilaanyo
Madaxwaynihii hore Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa dib u soo laabtay kadib markii uu muddooyinkii u danbeeyey nasaso ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Imaaraadka. Waxaana markii uu garoonka diyaaraddaha ka soo degay kaga hor tagey oo ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa xukuumaddii uu hoggaaminaayey, madax iyo dadwayne badan.

Waxaanau xusid mudan in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay gabi ahaan ka muquuratay soo dhawaynta Madaxweynihii hore ee Somaliland Madaxwaynihii hore Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) balse waxa ka qaatay mas’uuliyiin ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE.

COMMENTS