BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynihii Hore ee Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Illey oo Maxkamad La Horkeenay
August 29, 2018 - Written by admin

Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa horey uga mid ahaan jiray.

madxweynah dawlada deganka

Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bisha, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

Lama oga in Cabdi qareen loo ogolaaday iyo in kale, balse waxa ay u muuqataa in la mariyay nidaamkii

madaniga ahaa ee habraaca garsoorka, taas oo ah in dacwadda marka hore furo xeer illaaliyaha, booliiska xiraan, kadibna maxkamad ka geeyo 24 saac gudahood.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS