BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Xasan Sheekh oo Doorashadii Madaxtooyadda Kadib Maanta Dib Ugu Laabtay Muqdisho
August 30, 2018 - Written by admin

Madaxwaynihii hore Ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka dagey garoonka diyaaradaha  Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

xasan sheekh
Soo dhawaynta loo sameeyay Xasan sheikh ayaa laga hadal hayay maalminii ugu dambeeyay muqdisho, waxaanay dawladu magacawday gudi qaabilsan soo dhawaynta madaxwaynaha oo uu horkacaya Wasiirka amniga Soomaaliya, Xildhibaano iyo masuuliyiin horey uga tirsanaa dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sababta uu u yimid magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay ugu horeyso sidii uu ugu dhawaaqi lahaa xisbi siyaasadeed oo isaga uu hoggaamin doono.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminaayo Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Somaliya

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS