BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Muuse Biixi Gacanta Dawladda Ma Ku Soo Celin Doonaa Warshadihii Korontadda Dawladda ee Hargeysa Iyo Berbera
August 16, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi oo todobadadii ugu dambeeyay qaaday talaabooyin uu gacanta dawladda ugu soo celinayo hantidii dawladda ee sifadda sharci daradda ah loo xaraashay ayaa la is waydiinayaa go’aamadda uu ka qaato warshadihii korontadda dawladda ee hargeysa iyo berbera kuwaas oo laf dhabar u ahaa muwadiniiinta ku kala dhaqan magaalooyinkaas islamarkaana ahaa adeega kaliya ee dawladeed ee ay helaan balse nasiib darro xukuumadii musuqu aafeeyay ee siilaanyo ayaa labadan warshadood ku wareejisay kooxo ganacsato ah hadaba madaxwayne biixi ayaa laga war sugayaa go’aanka uu ka qaato hantidan ma guurtada ah ee sida foosha xun loo lunsaday

muuse haaruun
todobaaddii u dambeeyay wuxuu madaxwaynuhu gacanta dawladda ku soo celiyay haamihii kyadka shidaalka berbera, baarkinkii iyo waaxdi amaanka ee madaarka hargeysa, waxa kale oo uu isla todobaadkan xayiray dhismayaal ka socday hotelkii dawladda ee hargeysa club, iyo sidoo kale maktabadii akhriska ee gaandi

isku soo wada duuboo hadii madaxwayne biixi ku sii adkaysto go’aaamadan uu ku soo celinayo hantida dawladda ayaa wuxuu baal dahaba ka gali doonaa dalka isagoo dhaqdhaaqyadan u dambeeyay ee uu sameeyay ku helay taageero badan oo shacabka ah

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS