BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo oo Maanta Ku Wajahan Dalka Jabuuti Iyo Nuxurka Socdaalkiisa
August 16, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta safar ugu baxaya wadanka Djibouti.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada somaliya Cabdi Nuur Maxamed ayaa xaqiijiyey safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagayo wadanka Djibouti.

farmaajo iyo geele
Wararka laga helayo safarka madaxweyne Farmaajo ayaa sheegaya inay ku wehelin doonaan xubno ka mid ah golaha wasiirada, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagayo wadanka Djibouti ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu jira mad madow soo galay xidhiidhkii labada wadan, ka dib booqashadii Farmaajo ku tagay wadanka Eritrea.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa la filaya inuu kulan la qaato dhigiisa dalka Djiobouti kaas oo ay loo badinayo inay ka wada hadli doonaan khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS