BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Dhagaha Ka Furaystay Wax Ka Qabashadda Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Qarka U Saaran In Albaabadda Loo Laabo
August 28, 2018 - Written by admin

Dawladda hoose ee hargeysa ayaa qarka u saaran in albaabadda loo laabo kadib markii ay istaageen hawlihii shaqo ee loo hayay bulshadda caasimaddu taas oo keentay shaqaalihii dawladda hoose oo aan wax mushara qaadan muddo 3 bilooda sidoo kale waxa iyana meesha ka baxday isla xisaabtankii golaha waxaanay noqotay goob dhaqaalaha laga qaado dadwaynaha lunsadaan oo ay bililaqaystaan maayarka iyo golihiisa fulinta.

soltelko ayaydhalay

maayar soltelko ayaa isagu si walba ugu takri fala hantida umadda kadib markii uu waayay cid dawlad dhee oo kula xisaabtanta hantida umadda

inkastoo uu awal hore qarsan jiray musuqa uu sameeyo hadda laakiin xaaladdu taas way ka duwantahay waxaanu maayarka baraha bulshadda ku faafiyaa dhismayaasha guryo qurux badan oo uu ka dhistay gudaha caasimadda kuwaas oo iskugu jira fooqaq iyo bangalooyin

isku soo wada duuboo madaxwayne ayaa dhagaha ka furaystay cabashooyin fara badan oo bulshadda caasimadu warbaahinta u marisay iyo qaar kale oo toos loogu gudbiyay waxaanay xaajaddu u egtahay in madaxwaynuhu raali kala yahay maayarka iyo golihiisa fulintaba musuqa ay kula kacayaan hantidda umadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS