BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Somaliland oo Hakiyay Dhisme Ka Socday Hotelkii Dawladda ee Hargeysa Club Iyo Warar Daaha Ka Qaaday Qorshaha Madaxwane Biixi Ka Wato.
August 13, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu amray in la joojiyo dhismaha Hudheelkii Dawladda Ee Hargeysa Club oo ay xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Ku Wareejiyay mid ka mid ay dadka reer Somaliland.
news
warkan oo baligubadlemedia heshay ayaa intaas ku daraya madaxwayne biixi oo ku guda jira soo celint hantida qaranku si degdega u hakiyay dhinsahan isla markaana xukuumaddu ay damacsan tahay sidii gacanta dawladda dib loogu soo celin lahaa, maadaama uu ka mid yahay hantidii Qaranka.

Hudheelkan oo in muddo ah dhisme lagu dayactirayo ayaa waxa shuraako ku ahaa dhismihiisa Suldaan Siciid  Yusuf Ducaale iyo Orodyahanka Caanka ah ee Jaamac Karaaciin, waxaana joogsaday dhismihii lagu waday ka dib markii ay soo baxday Go’aanka lagu hakinayay.

Laba maalmood ka horna Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu gacanta Dawladda Dib ugu soo celiyay Maamulka Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera iyo amaanka Madaarka oo labadaba ay xukuumaddii hore ku wareejisay shakhsiyaad.

Inta badan shacabka Somaliland iyo axsaabta siyaasada ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabooyinkan, waxaana laga dhursugayaa bal talaabooyinka xigga ee uu Madaxweynuhu qaadi doono iyada oo Hargeisa Clubna uu hakiyay, hasayeeshee ay jiraan meelo kale oo ilaa iminka u dhiman, kuwaas oo ay ku jirto Laydhka Magaaladda Hargeysa kuwo kale.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS