BALIGUBADLE MEDIA
Maayirada Hargeysa Iyo Berbera Oo Ka Biyo Diidan Inay Faraha Kala Baxaan Qorshaynta Dhulka Danta Guud ee Laga Hoos Saaray
August 31, 2018 - Written by admin

Golayaasha Degaanka Magalooyinka Hargeisa iyo Berbera ayaa warar so Baxaya oo lagu Kalsoonyahay Shegayaan inay ka Gaws-adaygeen inay Farah ka qadaan Qorsheynta Dhulka Danta Guud ah oo ay u Qorsheyaan sifo ka Baxsan Sharciga dhulka lagu Maamulo ee Xeer Numbar 17.

soltelko ayaydhalay
Maayirada Magalooyinka Berbera iyo Hargeisa oo ah Maayirada ugu Tunka wayn Maayirada Dalka ayaa Xiliyo Kala Duwan Amaro lagu siiyay inay faraha kala Baxaan Qorsheynta Dhulka Danta`Guud ah ee ay sifaha Sharciga Baal-marsan u Qorsheyaan`iyagoon dhag-jalaq u siin Amaradaas kaga yimi Xukuumada dhexe Gaar-Ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta Somaliland.
Maayirada Hargeisa iyo BerBera ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyayntu Mudo Dhawr-Jeer ah ka Joojisay Dhul Dan-Guud ah oo ay Qorsheynyeen iyado Xabsiga u Taxaabtay Cagaf cagafyo iyo Ashkhaas si Gaar ah ula shaqeeya Golaha Degaanka Magalooyinkaas`wararku waxay inta ku darayaan in in Aanu sidaas ku Joogsan Dabinada qarsoon ee Golaha Degaanada Hargeisa iyo Berberi ku Qorsheynayaan Dhulka Danta-guud ah oo si Maalinle ah ayay xubno ka tirsan Sarakiisha Wasaaradda Hawlaha guud ee dhinaca dhulka danta Guud u Xilsaarani ula tacalaan Xubno si Gaar ah ula shaqeeya Golayaasha Degaanka oo ku Hawlan Qorsheynta Dhulka Danta-Guud ah.
Warar kale oo so baxaya waxay shegeyaan in Xukumada dhexe Maayirada Dalka Cadaadis ku saartay in Golayaasha Degaanka Dalku ay wixi Dhul Dan-Guud ah ee ay Hayaan ku Warejiyaan Wasaaraadda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta` si Aanay u dhicin ku Tagrifal Gacmo kale oo ka Baxsan Xukuumada dhexe` Madaama Dhulki Danta-Guud ahaa laga Dhigtay Ganacsi si Caadi ah loga Ganacsado Dhibatooyin Badan oo Khasaare Nafeed ahna Sababay Sanadii u Danbeeyay.
Maayirada Magalooyinka Hargeisa iyo BerBera ayuu Warkaasi ku Noqday Laf-Dhuun-Gashay waxaana Baaqday Shirar Warbaahinta Horteeda ay kaga Cadayn-lahayeen inay Awamiirtaas kaso Baxday Xukuumada Dhexe Fuliyaan`iyago Maayiradu Tixgelinaya Dano iyaga u Gaar ah oo Awamiirtaasi ka hor-imanayaan`kuwaaso la-Xidhiidha Qorsheynta Dhulka Danta-Guud.
Sida laga-wada war qabo Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biix Cabdi aya markii ay Xilka la-Wareegaty Waxa ay Digreeto-Madaxweyne ku hoos-geysay Maamulka Dhulka Danta-Guud ah Wasaaraadda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta`Isla-markaana Sharciga Dhulka ee Xeer Numbar 17 ayaa kala Xadaynaya Awooda Maamul ee Dhinaca dhulka ee ay kala yelanyaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladaha Hoose`iyado Sidaasi jirto ayaanu hadana Saldhigin Awood kala Maroorsiga dhinaca dhulka ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladaha Hoose ee Dalku.
Waxa laga war sugayaa bal halku uu ku Danbayn-dono Awooda ay Golayaasha Degaanku Gaar-Ahaan Maayirada Hargeisa iyo BerBeri ay Donayaan inay kusi Maamushaan Dhulka Danta-Guud ah ee awoodaha Sharci ka hoos sareen` Xukumada dhexe ee Somalilandna Amarada ka so saartay`iyado Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta Somaliland Dhawaan Dalka ka Bilaabayso Diwaangelinta Hantida ma Guurtada ah Ee Dalka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS