MAANSO:-DIGO-ROGASHO-Abwaan: Mukhtaar Xasan Diiriye
August 11, 2018 - Written by admin
Gabaygan waxaan curiyey anigoo ah Mukhtaar Xasan Diiriye, ahna Musharax u taagan Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa 2019, Habeenkii ugu horaysay ee aan shaaciyey innaan ahay Musharax Muddo haatan laga joogo 8 Billood ka hor. Haddaba, Gabaygani wuxuu Halkudhig u yahay Musharax-nimadayda, wuxuuna ka kooban yahay 187-beyt ama sadar.
Ka duleedka joogoow
Ka dawaafay dunidoow
Ka dalkii ka maqanoow
Dumarkiyo caruurtaay
Duqaydiyo wax garadkoow
Dhalintaa da’da yareey
Ardaydii dugsiyadaay
Ubixii dillaacoow
Sallaan diiran iga hoo
justify;”> Danta aan wadaagnee
Duco iga gudoonoo
Doorkan daacad ii noqo
Darafkaaga ila qabo
Igu dooro diin iyo
Aqoon iyo dadaal badan
Hadduu ruux ku dagi jiray
Ama kuu daraan jiray
Ka dal doorso maantaba
Digo-rogoshadaadana
Ku salee damiir wacan
Dhul Mayay ku da’ayoo
Dooxooyin badanoo
Mulacyeeyay daadoo
Dalagii intuu baxay
Dooguna cagaar yahay
Cadceeduna dalaalimo
Daaha saaray hoosiis
Dhulku diirimaad yahay
Aan soo dalxiisnee
Dawashada ka bogonee
Aan wada dakaynee
Aan soo dal baranee
Wadankeena dahabka ah
Dacalkiisa bari iyo
Ka galbeed dawaafnee
Doonteenan soo raac
Dadka kalena soo saar
Waxa doonta kuu wada
Naakhuude daacada
Oon daayac lagu xaman
Kala yaqaan dariiqyada
Doonyuhu maraanee
Ay kuna badbaadaan
Qudcur dama habeen galay
Daruuruhu isgaadheen
Dacalada u faafeen
Cirka sare dabooleen
Xidigihii dariiqyada
Daliil looga dhigan jiray
Iyaguna dahsoomaan
Ruux diirad saariyo
Ka indhihiisa daaraba
Inuu daalo mooyee
Daalacasho ka dheertahay
Ooy dadkii korkeediyo
Dusha sare ka saaraa
Cabsi ay dareemaan
Naxdin ay darsaanoo
Markay dariiqa seegaan
Ay dalaal u baydhaan
Dowbixiye doonaan
Ka u dooran baan ahay
U dadalayaan ahay
Ama ay dabaylaha
Duufaanta wadataa
Doonyaha asqeeyaan
Darbiyada dhirbaaxaan
Mawjaduhu duqeeyaan
Ee ay dakaantee
Hadba dhinac u duushee
Laga dayrinaayee
Mid kastaa ducaystee
Danbidhaaf la doonee
Dikri Eebbe loo go’o
Suuradaha diwaalkiyo
Sida daaha lagu xusay
Kii xaqa dafiri jiray
Ashahaado doorbido
Ruux dulqaad’le baan ahay
Aayar dowga marin kara
Oo daadahayn kara
Dabaalyahan u tababaran
Danyartiyo agoomaha
Nin daryeelayaan ahay
Caasimadan dulowdee
Doc kastaba ka qudhuntee
Darbijiifku buuxiyay
Dibidii dalkeeniyo
Lagu dhaqay dameeraha
Deegaankan baaba’ay
Buuxsameen duleedyadu
Dagaladan xashiishka ah
Een cidi danaynayn
Ruux daryeeli baan ahay
Dalka daalinbaa rogay
Danta gaara doorbiday
Daacadnimo ka dheer tahay
Damiir-laawayaal dhaba
Dusha sare wanaag iyo
Daacad baa la moodaa
Doofaarku waligii
Durdur kasta hadduu galo
Ku dabaasho webiyaal
Abidkii ma daahiro
Waxa iga dardaarana
Inaad dareen lahaataan
Oo duruus ka barataan
Wixii daraad la soo maray
Waxa aan dalbanayaa
Indoorkan maanta ah
Dusha laygu qaadoo
Daacad lay ahaadoo
Lay tumo durbaanada
Waxaan dood u lee’yahay
Inta aanu daris nahay
Intii aan wax soo baray
Ee dadaalka miidhana
Ee duruusta loo dhigay
Dadka gabi dhamaantood
Ruux dood i tari kara
Mid difaaca gali kara
Dirham ruux isiin kara
Codka dalaq dhammaantiin
Mid kastaa dadaalkii
Haka geysto door culus
Intaa waxaan ku darayaa
Oo digniin u dirayaa
Dhammaan daalin cadowgay
Kuwa libinta iga dura
Ee sida dameeraha
Aayar soo danaaniya
Ee soo dinaahiya
Ka damiirka liitee
Isagu aan wax doonayn
Een hadana ku daynayn
Waa laga danbeeyaha
Dadkalow addeegaha
Sida Eyda loo diro
Waa damiine yeelkii
Dabadhoonku gara oo
Dawdar geela raacoo
Oon u diir naxay buu
Degta ugu xamaalaa
Ama ruux ku dabagala
Dibindaabo kugu haya
Kuwa daaha dabadii
Wuxuun docadoceeyee
Een dabadda iman karin
Doodiisa odhan karin
Ee laba dabqaadka ah
Ee uurku daban yahay
Shimbirtii dawaaftee
Duul-duulka badisaa
Dalqa libaax maruun bay
Aayar dalaq tidhaahdaa
Xadhkaheed doqontuba
Suxuladay ku duubtaa
Igu daba tidhaahdaa
Daldalaada jamataa
Igu dila tidhaahdaa
Danbarkeedu waakaa
Ruux didibso lagu yidhi
Oon wanaagu deeqayn
Mar buu dacarta leefaa
Deebaaq dhadhamiyaa
Haadaan ka duulaa
Uma sina nin daacadi
Iyo ruuxi daalini
Deeqaha illaahay
Illaah daa’inaa jira
Illaah deegsiyaa jira
Alle aan dulmi aqoon
Dadka uumay kaligii
Daabbad oo dhan quudiya
Allahayoow daraadaa
Adigaa dulqaad’lee
Dunuubtayada noo dhaaf
Ducadayada noo yeel
Naga deyr wixii daran
Wixii dooran noo yeel
Dariiqaaga noo Sakhir
Daartii Firdowsiyo
Janadaada dooga ah
Noogu daasha-daashee
Kuwii daaqa naga yeel
Aamiin dadoow dhaha
Yay ku seegin ducaduye.
Maansadan Waxa Tiriyey.
Abwaan Mukhtaar Xasan Diiriye
[email protected]
Telefoonka:- 063-4405173
Like this:
Like Loading...
COMMENTS