BALIGUBADLE MEDIA
Kuuriyadda Waqooyi oo Ku Adkaysanaysa Sii Waddida Barnaamijkeeda Nuclearka Iyo Qaramadda Midoobay oo Ka Hadashay
August 4, 2018 - Written by admin

Warbixin ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo horumarinta barnaamijkeeda nukliyerka islamarkaasna aysan joojin.

160607142738_north_korea_nuclear_512x288_kcna_nocredit

Xukuumadda Pyongyang ayaa la sheegay in si sharci darro ah ay kusoo dhoofsanayso shidaalka sidoo kalena ay hub ka iibinayso dalalka dibadda.

Warbixinta oo ahayd mid xasaasi ah oo ay sameeyeen khuburro madax bannaan ayaa Jimcihii u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayday inay hubka fudud iyo qalabka militari ay ugu dhiibto kooxo shisheeye si ay ugu gudbiyaan dalalka Liibiya, Yemen iyo Suudaan.

Kuuriyada Waqooyi ilaa hadda

wax jawaab ah kama aysan bixin warbixinta.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii saraakiil Amerikaan ah ay sheegeen in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato inay samaynayso hub cusub oo baalistiga ah.

Kulankii hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka waxyaabihii ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in hubka nukliyerka laga cidhibtiro gobolka.

Kuuriyada Waqooyi waxaa saaraan cunaqabtayno caalami oo lagu cadaadinaya inay joojiso barnaamijka nukliyerka iyo tijaabada gantaallada.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka uu filayo in Ruushka uu u hoggaansami doono dhaqan gelinta cunaqabataynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee saaran Kuuriyada Waqooyi.

Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay si dhab ah ula tacaali doonaan tallaabo kasta oo caqabad ku noqoto cunaqabataynada.

Source:-BBCsomali

COMMENTS