Kofi Anan oo Ku Geeriyooday Cisbitaal Ku Yaala Switzerland
August 18, 2018 - Written by admin
Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa dhintay isaga oo ay da’diisu maraysay 80 sano.
Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 2006.
Wuxuu ku guulaystay abaalgudka nabadda Nobel ee dhanka bani’aadminimada.
Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.
qoyskiisa oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in uu muddo kooban xanuun asiibay uu u dhintay isla markaana uu yaalay cusbitaal ku yaala wadanka Switzerland.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS