BALIGUBADLE MEDIA
Hayadda Waddaniga Ah Ee SEVO Oo Qabatay Dood Ku Saabsan Caqabadaha Qabyaalada Iyo Doorka Dhalinyarada Ee Siyaasada
August 1, 2018 - Written by admin

Hay’adda wadaniga ah ee SEVO ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay dood ku saabsan doorka ay dhalinyaradu ku leedahay siyaasada, carqabada qabyaalada iyo doorashooyinka.

Doodan oo mudo laba cisho ka socotay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka oo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiyada siyaasada somaliland iyo qaar ka mid ah dhalinyarada somaliland.

Doodan oo ka dhalatay tabobaro badan oo la soo siinayey ardayda dugsiyada sare iyo kuwa jaamacadaha ee magaalada Hargeysa kuwaas oo socday lixdii bilood ee ugu dambeeyey, taas oo ay qabatay ururka samafalka wadaniga ah ee Sevo,


waxaana maal galisay SYD Forum.

Agaasimaha Urrurka Samofalka, Wadaniga ah ee Aan Dawliga ahayn, Somaliland Environment, Economy, Education & Empowerment Voluntary Organisation Baashe Maxamuud Faarax Dhaaciye ayaa ka hadlay ujeedada ay u qabteen doodan waxaanu yidhi “Doodan waxaanu ugu tala galnay iyada oo ujeedada ugu weyn ee ka dambaysay  ay tahay inaynu ka doodno hogaamintii dhalinyarada oo aan ka dhex muuqan wadanka haday xukuumada tahay iyo haday xisbiyada tahay iyo haday arimaha kale ee bulshada tahayba.”

Ujoodooyinka uugu waawayn ee loo soo agaasimay hawlshan  ayaa ah

(1) In Dhalinyaradu ku dhiirato ka qaybgalka talada dalka iyo in sare

        loo qaado heerka democracy-ga Somaliland.

(2) In dhalinyarada lagu tabobaro hogaaminta iyada oo sare loo qaadayo

aqoontooda iyo fikirkooda ku waajahan hogaaminta iyo hore-u-marinta

dalka dhinac kasta.

(3) In lagu kordhiyo isdhexgalka, isbarashada, xidhiidhka iyo

wadatashiga dhalinyarada dhexdeeda iyo siyaasiyiintaba (xisbiyada iyo

madaxda kale dalka)

(4) In lagu gorfeeyo fahamka ku saabsan carqaladaha hortaagan hogaaminta dhalinyarada iyo ka qaybqaadashada xisbiyada siyaasada ee qaranka iyo siyaabaha looga bixi karo ama loo yarayn karo.

Waxaa lagu qaada dhigay wadiiqooyinka loo mari karo sare u qaadida isdhexgalka bulshada, baabiinta xanafaha ay ka tagaan doorashooyinka iyo doorka ay ka qaadan karaan dhalinyarada iyo xisbiyada siyaasada ee qaranku.

(5) In lagu qiimeeyo cida doorka iyo masuuliyada ay ku leeyihiin dhalinyarada, bulshada, xisbiyada siyaasada qaranka iyo masuuliyinta dalku qabyaalada kala qaybisa bulshada reer Somaliland.

Doodan ayaa la looga danleeyahay in ay ka soo baxaan talooyin iyo tilmaamo wax ka taridoona dhamaan dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka jira, warbixinta ayaa lalawadaagi doona dhamaan xafiisyada, daneeyashada iyo dhinacyada ay khusayso arimahani.

Xoghayaha Xuquuqal Iinsaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo iyaduna ka hadashay kana qaybqaadatay doodan ayaa ka warantay nidaamka doorashooyinka ee somaliland “Marka aynu dimuqraadiyad qaadanay ee aynu nidhi madaxweyne ayeynu dooranaynaa oo doorashooyin ayaa la samaynayaa, dee doorashooyinku cirka kama imanayaan ee lacag fara badan ayey u baahan yihiin markaa dadka doonaya inay madaxweyne noqdaan ama baarlamaanka galaan ama dadka doonaya inay goleyaasha galaan waxa uu ku khasban yahay inuu noqdo taajir is nacay oo malaayiin bangiyada ugu jiraan ama waxa uu ku khasban yahay inuu tolkiisii iyo reerkiisii dib ugu noqdo.”

Sidoo kale xoghayaha xidhiidhka gobolaa iyo degmooyinka ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cabdiqani Salaf (Kaptanka) oo isguna doodan ka hadlay ayaa soo bandhigay natiijada ka dhalatay markii dhalinyarada lagu tijaabiyey doorashadii golaha deegaanka waxaanu yidhi “Wakhtigii xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa dhalinyarada  laga furay dabarkii balse nasiib daro dhalinyaradii maxay sameeyeen?,markii kuraasida lagu fadhiisiyey iyaga oo dhalinyaro ah ee ay dalkii maayaro ka noqdeen waxba umay qaban dadkoodii, badankooduna maba fahansana waxay dhalinyaronimadu tahay iyo in laga shaqeeyo adeegyada dadweynaha, haddii jiilka maanta ugu horeeyey ee xilalkii dhalinyarada qabtay ay dalka wax wanaagsan u qaban lahaayeen waxay taasi hor u dhac u noqon lahayd in dalkaba dhalinyaro loo dhiibo.”

Doodan waxa ka qaybqaatay Md. Yuusuf Kayse Cabdilahi, xoghaya warfaafinta Xisbiga UCID, Md. Jaamac Hayaan, xoghaya bosaha iyo isgaadhsiinta xsbiga Wadani, Md. Yoonis Axmed Yoonis, xoghaya dhalinyarada iyo ciyaaraha xisbiga Wadani, Md. Maxamuud Daahir oo ah aqoonyahan aad u taageera hogaaminta iyo sare u qaadida hore-u-marka dhalinyarada.

Hadaba waxaad kala socondoonta Doodan oo Xiiso badan dhamaystirana ayaamaha iyo bilaha soo socda barmaamujyada Muuqbaahiya Bulsho TV iyo mareegta caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com

Waxa aad loo soo dhawaynayaa ahmiyada wayn ee ay leeyihiin talooyinkiina iyo tusaalayntiina, si sare loogu qaado tayada doodaha iyo hogaaminta dhalinyarada. Waxaad kala xidhiidhi kartaan urrurkan www.sevongo.com

 


Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS