BALIGUBADLE MEDIA
Hay’adda Human Right Watch Maxay Ka Tidhi Xadhiga Cabdi Maxamuud Cumar?
August 28, 2018 - Written by admin

hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa ka hadashay talaabada ay dawlada federaalka ah ee Itoobiya xabsiga ku dhigtay madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Warbixin ay hay’addu soo saartay  ayey ku soo dhawaysay talaabada laga qaaday Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana warbixinta lagu xusay in xadhigani uu bilaw u noqon doono dad badan oo eedaysan.

“Waxaan rajaynaynaan in xadhiga Cabdi Maxamuud Cumar uu bar bilow wanaagsan u noqdo caddaalada loo raadinayo dadka dhibanayaasha ah ee dambiyada culus lagaga galay gobolka Soomaalida  Itoobiya, waana in madaxda dawlada federaalka ahi ay hubiyaan in maxkamadu ay noqoto mid cadaalad ah oo

cabdi illey

hufan, iyada oo markhaatiyaasha awood loo siiyo in iyaga oo aan baqanin ay ka hadlaan dambiyadii dhacay.”

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa hore  eedaymo culus ugu jeedisay Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciidamada Liyuu booliska ee ka hawl galayey gobolka soomaalida Itoobiya, iyada oo dawlada dhexe ee itoobiya ugu baaqi jiray in talaabo deg deg ah la qaado.

Dhinaca kale raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa waxa uu ku sheegay in sharciga lagu qaadayo madaxweynihii hore ee gobolka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

COMMENTS