BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Madaxda Axsaabta Somaliland oo Ka Hadlay Kulan Ay La Qaateen Wafti Ka Socday IGAD
August 1, 2018 - Written by admin

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa Hargeysa ku sugnaa wefti ka socda Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD, kuwaas oo wadahadallo iyo kulamo la lahaa mas’uuliyiinta Somaliland, xisbiyada siyaasadda iyo ururrada rayidka ah.

Weftiyadan ayaa u socday waanwaan la xidhiidha sidii loo damin lahaa colaadda iyo xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay halka ay marayso waanwaanta lagu xalinayo colaada

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS