BALIGUBADLE MEDIA
Guddida Dabagalka Hantida Qaranka oo Soo Saartay Xaddiga Lacag Malaayiin Dolar ah oo Ay Lunsadeen Qaar Kamida Wasiiradii Xukuumadii Siilaanyo
August 1, 2018 - Written by admin

Guddida ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland ayaa maanta soo bandhigay warbixin la xidhiidha musuq maasuq baahsan oo ay dalka ka gaysteen xubnihii ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Siilaanyo.

Guddida ayaa si cad u soo bandhigay mashaariicda lagu boobay hantidii umadu lahayd ee la sheegay in la hir gelinayo balse aan ilaa hada wax muuqda laga qaban.

golaha wakiiladda

Warbixinta ay guddidani soo bandhigtay ayaa sababaysa in jawaab laga sugo hogaamiyaha somaliland ee wakhtigan maadaama oo ay dalka ku sugan yihiin qaar ka mid ah xubnaha tunka loo saarayo inay musuq maasuqaas laxaadka leh gaysteen, waxaanay warbixintu u dhignayd sidan



style=”font-family:tahoma,geneva,sans-serif;”>Hordhac:

Mudanayaal, waxaad la socoteen in Guddida Illaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu ay in muddo ah gacanta ku hayeen Xisaab Xidhkii 2016, ka dib markii mudanayaasha Golahu ku soo celiyeen Guddida si uga soo bixiyaan faahfaahin waafi ah.

Guddidani waxay u qaabilsan tahay Golaha Wakiilada dabagalka miisaaniyadda ka dib marka ay kharashgareyso dawlada iyo hay’adaheedu. Taasoo la hubinaayo siday u baxday iyo meelaha lagu kharashgareeyey ma waafaqsan yihiin sidii loo soo ansixiyey miisaaniyadda qaranka.

Haddaba waxa Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka u mahadnaqaysaa Hanti dhawraha Guud iyo dhammaan shaqaalaha ka hawl gala xafiiskooda. Waxaannu sidoo kale u mahadnaqaynaa Xisaabiyaha Guud iyo mas’uuliyiinta xafiiskiisa. Waxaannu kaloo u mahadnaqaynaa Wasaaradda Maaliyadda iyo cid kasta oo ka qayb qaadatey uruurinta iyo diyaarinta warbixintan xisaab xidhka 2016.

Warbixinta xisaab xidhka 2016 oo kooban:

Xisaab xidhka sannadka 2016 marka aad u dhugato qoraalka uu soo diyaariyey xafiiskiina Hanti-dhawraha, waxaad ku arkaysaa in ku tala galka dakhliga Miisaaniyadda ee dawladda dhexe  ee JSL ay ahayd lacag dhan SLSh 1,218,000,000,000. Hase ahaatee dhakhliga dhabta ah ee soo xerooday wuxuu noqday sanndkii 2016 lacag dhan SLShs 1,176,005,390,444. Markaas waxa uu dakhliga ku tala galka ahaa ka yar yahay SLShs (41,994,609,556).

Dhinaca kale, kharashkii la qoondeeyey miisaaniyaddii 2016 waxa uu ahaa SLShs    1,218,000,000,000, laakiin kharashka dhabta ah ee baxay wuxuu ahaa SLShs 1,201,439,920,303. Tani waxay macnaheedu noqonaysaa in kharashkii ka yaraaday ku tala galkii lacag dhan SLShs 16,560,079,697.

Haddaba Mudanayaal, Dhammaan wixii xisaab xidh soo gaadhay Golaha Wakiilada sannadihii tegey waxay u ekaayeen wax la kala soo dheegtey buugga xisaab xidhka miisaaniyadda qaranka. Markaas waxa muhiim ah in la sameeyo caddaymaha ku gedaamin iyo documentation la socda si loo dhugto waxani inay sax yihiin iyo inkale.

Sidaas darted, Guddida Illaalinta iyo dabagalka hantida qaranka waxay baadhis xoog leh ku samaysay xisaab xidhkii 2016 iyadoo baadhay, dhugatey oo akhriday caddaymaha iyo waraaqihii ama foojaradii ama TR-kii ee xisaab xidhkan 2016.

Waxyaabaha Guddidu uga baxay baadhistii xisaab xidhka 2016:

Markay Guddida Illaalinta iyo dabagalka hantida qaranku si mugleh uga fiirsatay,  islana rogrogtay sidii ay u heli lahayd warbixin buuxda oo ay Golaha hor dhigto, waxay Guddidu isla qaadatay in ay xog badan wax ka ogaato xisaab xidhka 2016. Haddaba meelaha ugu muhiimsan ee aan ku guulaysannay inaan faahfaahin buuxda ka helno waxaka mid ah  qodobadan hoose ku qoran:

  1. Qasnada Guud:Qasnada Guud waa madax gaar ah oo u dhiganta 23% miisaaniyadda qaranaka ee 2016. Waxaana loogu talo-galay in lagu fuliyo hawlo gaar ah. Hase yeeshee, meelahaas wax xog buuxda naga siiyey xafiiska Hanti Dhawraha Guud oo na siiyey dhammaan caddaymaha iyo documentation sidii loo kharashgareeyey . Qasnada Guud waxa ku jirtay lacag dhan 256 Billion SLSh oo wax yar mooyee intii kala la kharashgareeye.

Mudanayaal, Qasnadda Guud waxa ka baxa dhammaan madax xisaabyada  hoos ku taxan.

  1. 2% ee Gobalada Bari (sub-head: 26501):Waxa sannadahii ugu dambeeyey Miisaaniyada Qaranka lagu daray waxa loogu yeedho 2 % ee Gobolada Barriga. Haddaba mudanayaal lacagtan waxa lagu kharashgareeyey waxyaabo fara badan oo aan ahayn meelihii loogu tala galay. Sidaas darted, waxaannu halkan idiin ku soo gudbinaynaa  iyadoo faahfaahsan iyo sidii loo isticmaalay kharashkii ku jiray 2%, iyada oo shaxaysan.

 

PV Lacagta Magac Qaadaha Faahfaahin
49/6 190,929,000 Abshir Xasan Xaashi Gaadiid loo iibiyey agaasimaha Madaxtooyada
146/6 373,372,000 Gud. Jaamac Salaan Iib laba gaadhi oo bas ah
319/6 363,717,320 Marxaba General Trading Kharash Dhisme saldhig, garoon,D/hoose Deg. Xuddun
388/11 1,329,360,000 Ag. Xisaabaadka Madaxtooyada Hawlo siyaasadeed
979/11 431,200,000 Goray Construction Dhisme Dugsi, Xarun Caafimaad – Laascaanood
899/11 331,398,000 Abdi Mohamed Xaashxaash Dhisme saldhig police tuulada Awrboogays
980/11 96,000,000 Eng. A/risaaq Falaluug Dhisme laami 6Km- Laascaanood
769/11 800,000,000 Caarshe Construction Co. Dhisme xarunta RRU-da Gobolka Sanaag
1027/11 132,936,000 Xog. Madaxweyne ku xigeenka Hirgelinta arrimaha siyaasadda
632/2 299,106,000 Maxamed Adan Cali Iib gaadhi dabdamis Gobolka Sool
153/4 269,940,000 Alabaraka Construction Dhisme Saldhig Police ee tuulada Dharyaalay iyo Dhagaxdheer
403/4 834,715,000 Marxaba general trading Roogga garoonka kubadda cagta Laascaanood
120/8 990,730,000 Marxaba general trading Roogga garoonka kubadda cagta ee Laascaanood
2116/12 192,798,000 Shirkadda Obsiiye Construction Dhisme lagu kordhiyey garoonka degmada Xuddun
557/4 46,530,000 Eng. Yusuf caynab Muse Dardar gelinta arrimaha siyaasadda
424/5 878,209,800 Safe Way Travel Tigidho safar dabadeed oo xukuumaddu isticmaashay.

 

  1. Dhismayaasha Cusub: Madaxa Dhismayaasha cusub oo ah 2720, waxa lagu bixiyey Qarash dhan 75 billion SLSh. Haddaba sidoo kale, waxay Guddidu dabagal ku samaysay dhammaan dhismayaashii laga hirgeliyey madaxan oo ay tiro koob ku samaysay oo ay isla markaana qaybo ka mid ah Guddidu soo eegtay oo ay qiimayn ku samaysay si loo ogaado inay yihiin qiimaha lagu bixiyey. Sidoo kale Qandaraasyadoodii sidee  loo bixiyey, cidda ku guulaysatay, tartan ma gashay, mise lama gelin. Haddaba halkan ka dheego isaga oo shaqaxaysan.
136/1 86,097,000 Sun Rice Construction Dhisme Xaf. PFM ee Was. Maaliyadda
632/2 86,097,000 Sun Rice Construction Dhisme Xaf. PFM ee Was. Maaliyadda
664/7 664,674,000 Nimcaan Cabdi Dhismaha Garoonka Kubadda ee Shulaac
69/3 600,000,000 Nimcaan Cabdi Dhismaha Garoonka Kubadda ee Shulaac
240/10 1,135,326,000 Nimcaan Cabdi Dhismaha Garoonka Kubadda ee Shulaac
1056/7 554,719,178 Dhidar Establishment Dhismaha Garoonka Kubadda ee Shulaac
606/8 300,000,000 Gud. Rugta Ganacsiga Dhismaha Rugta ganacsiga JSL ee Hargeysa
424/6 360,000,000 Gud. Rugta Ganacsiga Dhismaha Rugta ganacsiga JSL ee Hargeysa
1070/8 360,000,000 Gud. Rugta Ganacsiga Dhismaha Rugta ganacsiga JSL ee Hargeysa
72/5 474,180,000 Alla Aammin Construction Dhismaha dayrka Garoonka Wajaale
214/4 200,000,000 Al Barako Construction Dhismaha dayrka dugsiga Hoose/dhexe ee Dhagaxdheer.
74/11 96,000,000 Sun Rise Construction Dhismaha labo qol dugsiga hoose/dhexe ee Dila
605/12 900,000,000 Barako Group Construction Dhismaha jeelka Burco
275/10 900,000,000 Barako Group Construction Dhismaha jeelka Burco
230/11 2,000,000,000 Dhidar Construction Dhismaha jeelka Borama
941/10 875,000,000 Barako Group Construction Dhisme Was. H/Guud Gobolka Tog. Burco
449/7 875,000,000 Barako Group Construction Dhisme Was. H/Guud Gobolka Tog. Burco
330/3 515,556,000 Dhidar Construction Dhisme Was. Maaliyadda gobolka Awdal
470/8 54,086,400 Tawxiid Construction Dhisme Was. Maaliyadda gobolka Awdal
48/6 136,644,000 Dhidar Construction Dhisme Was. Maaliyadda gobolka Awdal
2259/12 49,999,920 Big boss Construction Dhisme xafiiska Was. Beeraha ee Laascaanood
308/9 201,600,000 Alla Aamin Construction Dhismaha dugsiga xirfadlayaasha ee Buuhoodle
384/12 630,000,000 Cabdiraxmaan Cabdillahi Dhismaha Guriga M/ku xigeenka ee Was. Xidhiidhka Golayaasha
634/2 600,000,000 Al Barako Construction Dhismaha Guriga Gudd. Golaha Guurtida

 

  1. Daymaha Qaranka:Daymaha Qaranku waa madaxa 2810, kuna jira xisaab xidh kasta sida xisaab xidhkan 2016 oo ah lacag dhan 16 billion SLSh oo deyn qaranka lagu leeyahay ah. Haddaba Mudanayaal, waxaannu ka hawl galnay sidii faahfaahin dheeraad ah uga heli lahayn dayntan faraha badan, cidda leh, xilliga la galay, wixii ay ahaayeen daynta la qaatay iyo sababta loo galay, iyadoo waliba ay jirtay in sannad walba la heli jirey lacag surplus ah oo soo xeroota. Waxa kaloo la yaab leh hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda waxa loo qoodeeyey miisaniyad sanadeed, markaas ma jirto baahi loo qabo inay dayn galaan ee waa inay isku filaysiiyaan miisaasniyadda loo siiyey sannadkaas.

Mudanayaal, waxaannu halkan ku soo gudbinaynaa xaddiga daymaha iyo cidaha loo qoonddeeyey oo shaxaysan:

 

1357/8 210,000,000 Yusuf Cali Cismaan IIb doon loo iibiyey ciidanka Xeebaha 2015
361/4 90,000,000 Yusuf Cali Cismaan Baaqi IIb doon loo iibiyey ciidanka Xeebaha 2015
979/5 161,000,000 Xasan Cabdillaahi weerar Dayn uu ku lahaa wasaaradda biyaha
2275/5 600,000,000 Cali Ibrahim Ciise Kharash ka dhashay markab shidaal oo la celiyey 2014
1157/8 117,000,000 Cabdirisaaq Jaamac  
305/9 60,660,000 Guddida diinwaangelinta Deg. Baki Guddida Doorashooyinka dayn ay galeen
306/9 84,000,000 Guddida diinwaangelinta Deg. Baki Guddida Doorashooyinka dayn ay galeen
109/12 23,790,000 Qaddiimi Interprise Guddida Doorashooyinka dayn ay galeen

 

  1. Iibsiga Hantida Raagta:Madaxa 2710 ee Iibsiga Hantida Raagta waxa ku qoran lacag dhan 48 billion SLSh. Guddida PAC waxaannu ka hawl galnay in aan badan ogaano lacagaha iyo kharashka laga bixiyey madaxan. Dabeedna waxa noo soo baxday alaabooyinka laga iibiyey oo qaarkood meelihii loogu tala aan lama geynba. Markaas mudanayaal, waxaanu hoos ku soo minguurinay  shaxdan soo socota:

 

214/8 34,000,000 Axmed Cali Faarax Qalab shaybaadhka xannaanada xoolaha ee Was. Xan. Xoolaha
1079/5 79,916,800 Axmed Yusuf jaamac Qalab shaybaadhka xannaanada xoolaha ee Was. Xan. Xoolaha
213/8 25,500,000 Axmed Cali Faarax Qalab shaybaadhka xannaanada xoolaha ee Was. Xan. Xoolaha
288/12 1,000,000,000 Hay’adda Dhawrista tayada Qalab shaybaadh cuntada ee dawladda
665/5 444,000,000 Axmed Xaaji Dahir Dhigista roogga garoonka kubbada cagta ee Borama
224/5 444,000,000 Axmed Xaaji Daahir Dhigista roogga garoonka kubbada cagta ee Borama
495/9 888,000,000 Cabdiraxmaan Xasan Diriye Dhigista roogga garoonka kubbada cagta ee Burco

 

Warbixin dhismaha jeelka magaalada Burco:

Sida xogo badani sheegayaan waxa Shirkadda dabashiil laga iibiyey Laynka Police Hargeisa oo ay ka iibisay Wasaarada Hawlaha Guud ee Xukumaddii hore, waxaan la siiyey lacag dhan $ 920,000. Warbixnta nala siiyey ku cad waxa wasiirkii xiligaa joogay yidhi $920,000 ayaanu siinay, laakiin $300,000 waa discount, halka inta soo hadhay oo ah $ 620,000 aanu ku darnay dhismaha jeelka Burco, iyada oo aan qasnadda Dawladda la soo marin.

Waxa Guddoomiyaha Shirkadda Barako Constraction noo caddeeyey in ay Dababshiil ka qaateen lacag dhan $ 540,000 oo qayb ka ahayd lacagta lagu iibiyey laynka Police Hargeisa. Waxa kale oo noo sheegay miisaniyaddihii Qaranka ee kala dambeeyey ee 2016 ay ugu jirtay lacag dhan 1,800,000,000 SLsh.

Sida ay noo sheegtey Shirkadda Al Barako Construction heshiiska dhismaha jeelka weyn ee Burco waxa uu dhigayaa inay dhismaha ay ku bixi doonto lacag dhan  $ 1.5M (hal milyan iyo badh), kaas oo xukumaddii hore heshiis kula gashay Shirkaddan.

 

Kulankii Hantidhawraha guud ee Qaranka iyo qodobada wax ka beddelka xisaab xidhada soo socda:

  1. Buugga Xisaab xidhka  waxa ku caddaan doonta dakhli kasta oo la galay oo ka baxsan miisaniyad sannadeedka ee Golaha Wakiiladu ansixiyeen isagoo faahfaahsan.
  2. Buugga xisaab xidhka waxa lagu soo bandhigi doona dhammaan wixii khaladaad xisaabeed ee la galay sannad kaas.
  3. Xisaab xidhka waxa lagu soo tiro koobi doona dhammaan tirada iyo lambarada buugaagta lacag qabashada ee sannadkaa ay dawladdu isticmaashay. 
  4. Xisaab xidhka waxa lagu soo bandhigi doonaa mashaariicda ay hirgeliyaan hay’adaha caalamiga ee ka baxsan miisaaniyadda ee ay sameeyaan sannadkaa iyo natiijooyinka baadhistooda. Waxaana xisaab xidhka 2017 lagu soo dari doonaa baadhista 5 (shan) mashruuc oo ay hirgelisay Baanka Adduunka (World bank).
  5. Xisaab xidhka waxa lagu soo tiro koobi doonaa dhammaan dhismayaasha la hirgeliyey ee la dhisay iyo kuwa la iibiyey sannad  maaliyadeedkaa.
  6. Xisaab xidhka waxa lagu qeexi doonaa dhammaan documents-ka dawladda sida: kuwa gaadiidka, Visaha dal ku galka, Somaliland Passports-ka, Ruqsadaha, cashuurta Road tax-ka, tirada gaadiidka la iibsaday, lacagaha loo qoondeeyey horumarinta ee lana kharash gareeyey iyo soo bandhigid dhammaan lacagaha ka soo xerootey sannadkaas.
  7. Xisaab xidhka waxa kaloo lagu muujin doona wixii talooyin iyo tusaale ah ee loo jeedinaayo inay ku dhaqmaan saraakiisha maamula xisaabaadka dawladda si loo horumariyo nidaamka misaaniyadda iyo xisaabaadka.
  8. Waxa lagu hirgelin doonaa dhammaan qodobada kor ku xusan xisaab xidhka 2017 ee ay hadda gacanta ku hayso xafiiska hanti dhawraha guud ee Qaranka.

Soo Jeedimaha Guddida

  1. Guddidu waxay soo jeedinaysaa in hanti dhawraha guud iyo xeer illaaliyaha qaranku dacwado iyo baadhis ku soo oogaan liiska taxanaha ah ee aan ku soo bandhignay halkan iyagoo shaxaysan, maadaama ayna guddidu illaalinta iyo dabagalka hantida qaranku lahayn awood sharci oo u jidaynaysa inay soo dacweeyaan ama xidhaan ku tagrifalayaasha hanti qaranka.
  2. Guddidu waxa uga soo baxday baadhistan in si cad loogu tagri falay hantida ummadda oo aan loo marin sifo sharciga waafaqsan. Iyadoo aan dhismayaasha iyo alaabooyinka la soo iibiyey midna u dhigmin qiimaha laga qaatay. Isla markaan qaarna aan lama unkin oo lama samaynba.
  3. Guddidu waxay u mahad naqaysaa cid kasta oo ka qayb qaadatay warbixintan ay soo diyaariyeen Guddida dabagalka hantida qaranka ee gacan nagu siisay hawshan aan wadnay, uuna ugu horreeyo hanti dhawraha qaranka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka.

 

 

ALLAA  MAHAD LEH

COMMENTS