BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wakiiladda oo Dabadda Ka Riixaya Mooshin Xilka Lagaga Tuurayo Gudoomiye Baashe
August 23, 2018 - Written by admin

Qaar ka mid ah xildhibaanadda aqalka golaha wakiilada somaliland ayaa sheegay in ay gole waynaha u Gudbin Doonaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax.

golaha wakiilada

ilowareedyo baligubadlemedia ka soo xigatay Qaar ka mid ah xildhibaanadaas  ayaa intaas ku daraya in ay dabada ka riixayaan ilaa afartan mudane Kuwaasoo ku edeeyay guddoomiyahu inuu ku kacay falal sharci jabin ah.

Xildhibaanadda ayaa sheegay in mooshinkan ay golaha keeni doonaan maalinta sabtida ah oo golahu ka soo laaban doono fasaxii ciida,waxaana ay shegeen in ay faah-faahin ka bixi doonaan mooshinka maalinta ay golaha horkeenaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS