BALIGUBADLE MEDIA
Duqa Fashilmay ee Caasimadda oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Sababaha Keena Inuu Wadooyinka Deegaankiisa oo Qudha Dhiso
August 7, 2018 - Written by admin

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa iska difaacay eedaymaha loo jeediyo ee la xidhiidha inuu dhiso wadooyinka laamida ah ee xaafada laga soo doorto.

Maayar Soltelco oo maanta ka hadlayey dhagax dhig ay ku sameeyeen wadooyin laga hir gelinayo degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ayaa soo bandhigay qaabka ay ku dhisaan wadooyinka caasimada.

Maayar soltelco ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Golaha deegaanku markii ay fadhiisteen waxay ansixiyeen in sanadkan la dhiso 45km oo wado ah, waxaana lagu heshiiyey oo odayaasha iyo guddiyada horu marinta ee xaafadaha aanu u sheegnay in xaafad walba qaybtii ay kaga qayb galaysay oo ah

40% ay la timaado inta kalana ay dawlada hoose ku darto, dawlada hoose iyo qalabkeedii waxay u fadhiyaan shaqo la,aan waxaana la la yahay qaybtii ay bulshadu ka qaadanaysay dhismaha wadooyinka.”

Maayar Soltelco oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan leeyahay dhici mayso xaafaday doonta ha ahaatee in xaafad Hargeysa ka mid ah loogu dhiso wadada wixii lagu heshiiyey wax ka duwan, xaafad kasta oo Hargeysa ka mid ahi waxay u baahan tahay inay qaybteedii diyaarsado si wadada loogu dhiso, wado bilaash lagu dhisayaana ma jiraan ee dawladu cashuur yar iyo ka qayb galka bulshada ayaa wadada lagu dhisayaa.”

Sidoo kale maayarka Hargeysa ayaa ka war bixiyey wado ay ka dhagax dhigeen degmada Maxamed Mooge “Waddadan oo 1.5km ah  waa wadadii maraysay warshadaha, marka qaadhaankeeda loo dhamaystirana wadadii waynayd ee kaalinta Ina Faras kaga dhacaysa, waxay noqon doontaa in qayb dhan oo magaalada ahi ay halkan ka talawdo, waddada labaadna waa ta jamaacada labadaasna deg deg ayaanu u dhisaynaa.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS