BALIGUBADLE MEDIA
Dp World Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Ay Ku Horumarinayso Dekedda Berbera
August 22, 2018 - Written by admin

Shirkadda DP World ayaa shaacisay    inay dekedda Berbera uu soo gaadhay  qalab cusub, si kor loogu qaado awoodeeda iyo xaddiga baddeecadaha ka soo degaya marsadda Berbera.

Sidaasna waxay Shirkadda DP World  kaga hadashay  war-saxaafadeed ay soo saartay shalay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay caddeeyeen inay sameeyeen sannadkii hore   saddex goobood oo loogu talo-galay in lagu  raseeyo baddeecadaha ka soo dega marsadda Berbera.

news1

Waxa kaloo shirkaddu xaqiijisay  in ay soo kordhiyeen saddex wiish oo waaweyn oo loo asteeyey in lagu raro xoolaha iyo baddeecadaha kale, waxaanay  qalabayntaasi qayb ka tahay qorshaha DP World

ku ballaadhinayso  dekedda Bebera si loo dedejiyo hawlaha casriyeynta marsadda oo la ballaadhinayo boqolkiiba toddobaatan.

Warsaxaafadeedku  wuxuu intaas ku daray in dekedda Berbera loo keenay  TAAG cusub oo ah nooca  soo xidha maraakiibta, oo ay keentay Hay’adda dekeddaha Somaliland ee (Somaliland Port Authority). TAAG-gan casriga ah waxa loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo  xilka hayey  muddadii u dhexaysay 1993kii  illaa 2002-dii.

Xafladii lagu soo bandhigayey qalabkan waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta   Qaranka, Cawaale Ibraahim Shirwac, Wasiir ku-xigeenka horumarinta maaliyadda Maxamed Daahir Axmed, Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, Mayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan iyo Guddoomiyaha DP World ee u qaabilsan Dekedda Berbera, Supachai Wattanaveerachai.

Agaasime  goboleedka shirkadda  DP World, Suhail Al Banna, ayaa sheegay in qalabka dekedda la keenay uu wax ka tarayo in si wax ku ool ah loo rogo baddeecadaha ka soo degaya marsadda Berbera, waxa kaloo uu tilmaamay inuu Somaliland ka taageerayo inay noqoto marin halbowle u ah ganacsiga Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa bishii May ee sannadkii 2017kii Dubia ku  kala saxeexday heshiis lagu ballaadhinayo dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 442 Milyan oo doolar.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS