BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ay La Leedahay Dalka Djibouti –
August 16, 2018 - Written by admin

asiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu ayaa sheegay in cilaaqaadka ay la leeyihiin Jabuuti kor loo qaadi doono.

Wasiirka Khaarajiga Itoobiya oo booqasho ku jooga Jabuuti, ayaa warbaahinta u sheegay in iskaashiga Itoobiya iyo Jabuuti aanu ahayn mid ay waxyeeli karto  dhacdo, siday werisay walta information oo ka mid ah warbaahinta xisbal-xaakimka EPRDF.

.Wasiir Workneh ayaa u gudbiyey  dawladda Jabuuti tacsida muwaadiniin lagaga  dilay magaalada Diridhaba, iyadoo Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed uu horeba dhambaal tacsi ah u diray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Dhacdadani ma saamayn karto  xidhiidhka labada bulsho,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya waxaanu tilmaamay in la baadhayo eedaysaneyaasha loo haysto falkaasi, waxaanu xusay inuu

maxkamad la horkeeni doono

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS