BALIGUBADLE MEDIA
Daawo Boob Baahsan oo Loo Gaysanayo Dukaamo Ganacsato Somaliyi Ku Leedahay Koonfur Africa
August 31, 2018 - Written by admin

abshado looga soo horjeedo ganacsatada ajaaniibta ah ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka dhacay magaalooyinka qaaar ee dalkaasi , waxaana lagu boobay dukaamo 20 ku dhow oo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah.
boob soweta
Goobaha ganacsi oo ku yaalla xaafadaha ku dhex yaal isku raaranta ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika, waxaana ka mid ah Soomaalia, Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan.

Ganacsato badan oo ganacsatadaas ka mid ah ayaa durba xidhxidhay agabkoodii oo ka baxaya xaafadda isku raranta ah iyagoo ka cabsi qaba in qalalaasuhu ka sii daro.

Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyey in laba qof lagu dilay isku dhacyo dhex maray dadka wadanka iyo ajaanibka ku nool isku raranta Soweto, waxaana ay sheegeen in ay jiraan dadaallo lagu xakamaynayo qalalaasahaasi ka taagan dalkaasi Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal amni daro iyo qalalaasiyo ka dhan ah dadka ajaanibta ee kunool dalkaasi, iyagoona loo geysto dil iyo boob lagula koco ganacsigooda ganacsi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS