BALIGUBADLE MEDIA
Ciyaaryahan Reer Brazil Ah oo Lagu Magacaabo Somalia oo Ku Biiraya Kooxda Kubadda Cagta ee Al-Shabaab
August 26, 2018 - Written by admin

Dad badan ayaa marki ay cinwaanka warkan akhriyaan fajacaya sababta oo ah waxaa ku kulmay labo magac oo is diidan kuwaas oo kala ah “Somalia iyo kooxda kubadda cagta ee Al-Shabaab”,  balse waa war dhab ah oo dhawaan kusoo kordhay ciyaaryahan reer Brazil ah.

ciyaaryahan somalia

Ciyaaryahanka caanka ah ee reer Brazil, Wergiton do Rosario Calmon, islamarkaana ku magac-dheer SOMALIA ayaa ku biiraya kooxda kubadda cagta Al-Shabaab ee ka dhisan dalka Sacuudi Carabiya.

29-jirkan ayaa saddexdii sano ee u dambeysay waxa uu la joogay kooxda France’s Toulouse FC oo ka dhisan magaalada Toulouse ee dalka Fransiiska.

Marki uu warkan soo shaac baxay ayaa waxaa durba is qabsaday baraha bulshada qeybohooda ciyaaraha xiiseeya, kuwaas oo qoraallo kajan ah soo dhigayay barahooda iyagoo dhanka kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta u dhigayay in ciyaaryahan kani ku biirayo.

Kooxda Toulouse FC ayaa maalintii Khamiista ku dhawaaqday in ay laacibkani ka iibisay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna u saxiixay heshiis labo sano ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS