BALIGUBADLE MEDIA
Badhasaabka Gobolka Hawd Oo Ciidamo Amaanka Kor Ka Ilaaliya U Diray Goobihii Ay Ka Baxeen Ciidamada Liyuu Booliisku
August 11, 2018 - Written by admin

Xukuumadda Somaliland ayaa adkaysay amaanka xadka ay la wadaagto Dhinaca Waddanka Ethiopia.

Xaaladda ayaa ah mid degan, hasayeshee maadaama ay dalkaasi ka jiraan xiisado siyaasadeed wararka ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ee Somaliland la dhoobay xadka dheer ee ay la wadaagto Ethiopia.
news
Meelaha la geeyay Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa ah Wajaale oo ah xarun ganacsi,baligubadle iyo meelo kale.

Badhasaabka Gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shide ayaa  BBC u sheegay guddoomiyaha degmada Balli-gubadle ee dhinaca Somaliland, Yaasiin Maxamed Shide, maamulkiisu wuxuu ilaalo u diray seddex goobood oo gobolka Hawd xiga oo ay fadhiisimo ku lahaayen ciidanka Liyuu Booliska.

Goobahaas ayuu ku sheegay inay ku yaallaan Balli Cabbane, Gumar iyo Balli-gubadle oo dhamaantood ku yaalla xudduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.

“Si aan uga badbaadinno in la boobo ayaan xeryahaas ugu dirnay dad ilaaliya, ilaa iyo inta maamulka Itoobiya ay uga imaanayaan” ayuu BBC ku yidhi Yaasiin Maxamed Shide.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS