BALIGUBADLE MEDIA
Baashe Cawil oo Baligubadlemedia Uga Waramay Sida uu U Arko Xilka Wakiilka Imaaraadka ee Laga Qaaday Kana Hadlay Xilka Loo Magacaabay
August 13, 2018 - Written by admin

Wakiilkii hore ee somaliland u fadhiyay dalka isku taga imaaraadka carabta baashe cawil xaaji cumar ayaa baligubadlemedia uga waramay sida uu u arko xilkii safaaradda imaaradka ee somaliland ee laga qaaday iyo sidoo kale sida uu u arko xilka cusub ee madaxwaynuhu u magacaabay

baashe cawil

safiir baashe cawil oo baligubadlemedia khadka telefoonka ugu waramayay ayaa sheegay inuu xilku meerto yahay islamarkaana uu madaxwaynuhu xaq dastuuriya u leeyahay inuu xilka ka qaadi karo halka uu rabana u badali karo

baashe cawil oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko xilka loo magacaabay ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynayo xilka cusub ee loo magacaabay islamarkaana uu dedaal ka muujin doono safaaradda somaliland ee kenya ee loo magacaabay

ugu dambayntii baashe cawil oo aanu wax ka waydiinay wararka sheegaya inuu ka biyo diiday safaaradda loo badalay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas waxaanu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo xilka loo magacaabay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS