BALIGUBADLE MEDIA
Axmed Madoobe oo Hanjabaad Hawadda U Mariyay Dawladda Federaalka Somaliya
August 16, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag ula hadlay xukuumadda federaalka ee soomaaliya oo beryahan aanu xidhiidhkoodu fiicnayn.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa yimid ka dib markii laba sarkaal oo sida la sheegay ay xukuumadda federaalka u soo magacawday sirdoonka Jubbaland laga hor istaagay inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, iyadoo laga celiyey garoonka dayaaradaha ee magaaladaas.

axmed madoobe

Madaxweynaha Jubaland oo la hadlayey warbaahinta ayaa  dib u gocday mar hadda ka hor isagoo Kismaayo ka maqan taliye loo soo magacaabay gobolka.

“Talo ayaa inaga dhaxaysay. Wax baan London ku heshiinnay, Xamar ku heshiinnay, Baydhaba ku heshiinnay, aaway wixii aannu ku heshiinnay? Waxaad mooddaa inay iska dhegotireen” ayuu yidhi Axmed Madoobe oo hadalka u waday madaxda dawladda federaalka.

Isla arrintaas uu tusaalaha u soo qaatay ayuu sii waday isagoo leh “shalay waxaan maqlayey waxaa la soo magacaabay taliye iyo taliye ku xigeen loo soo magacaabay nabadsugidda Jubbaland. Waa nasiib darro in dawladdu aanay  xog ogaal ka ahayn waxa ay ka shaqayso iyo waxa ay gacanta ku hayso.

Nabadsugidda Jubbaland ka jirta ee shaqada ugu badan ka haysa waa ciidan Jubbaland ay dhistay, oo maanta dawladda federaalka wax ay ku sheeganayso aanay jirin. Sidaa darteed in la yidhaahdo hebel iyo hebeloow orda oo taga waan idiin magacawnaye waa fowdo iyo qas kale” ayuu sii raaciyey hadalkiisa axmed madoobe.

Wuxuu madaxda dawladda deferaalka uga digay inay u hogaansamaan “shuruucda dalka”, wuxuuna intaa ku daray in “taasi ay keeni doonto inay iyaguna la yimaadaan hogaan san”.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa daaha ka qaaday tafaraaruqa ku dhex jira Jubbaland iyo federaalka oo beryahan xiriirkooda uusan fiicnayn.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS